U bood dhigaalka

Cali Guudlaawe oo Ku Baaqay Ka Qeyb Qaadashada Dhismaha Isbitaalka Baladweyne

Sheeko:Caafimaadka
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Hirshabeelle M Cali Guudlaawe Xueeen ayaa maanta kormeer ku tagay Ibitaalka guud ee Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka oo burbur xoogan uu kasoo gaaray weerarro dhowaan ka dhacay Baladweyne, kaas oo ay ku nafwaayeen dad ka badan 48 qof iyo dhaawaca 100 iyo dhowr.
Madaxweynaha oo kormeerka uu ku wehliyay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan  Cali Jeyte Cusmaan ayaa mid mid u kormeeray qeybaha kala duwan ee Isbitaalka oo burbursan dhamaana ay baaba’een wixii qalab iyo daawo ahaa ee Ibitaalka yaallay, waxaana uu shacabka iyo ganacsatada  ugu baaqay in ay dhismaha isbitaalka  ka qeyb qaataan.
“Waxaan rabaa inaan ugu qaabo cid kasta oo wax ka qaban karta dhibaatada dhacday, haddii ay tahay  dhismaha ama agabkii caafimaadka ee kala duwanaa dhammaantood waa ay bannaan yihiin, dhul banaan ayaan dhex taaganahay cid waliba oo wax ka geysan karto waxaan leenahay wax haka geysato” ayuu yiri Cali Guudlaawe.
Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn Dowladda Federaalka, jaaliyadaha Hirshabeelle iyo bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka qeyb qaataan dib u howlgalinta Cusbitaalka guud ee Gobolka Hiiraan  oo burburay maanta aan bixin karin wax adeeg caafimaad ah, waxaana burbburay qeybo ay ka mid tahay qeybta gargaarka deg dega.