U bood dhigaalka

Cali Guudlaawe Oo Lagu Wado In Uu Shaaciyo Liiska Aqalka Sare Ee Hirshabeelle

Sheeko:Amniga

Madaxweeynaha dowlad gobaleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa lagu wada in saacadaha soo socda uu ku dhawaaqo liiska Musharixiinta Aqalka sare ee dowlad gobaleedka Hirshabeelle ku matali doona Baarlamaanka 11-aad.

Cali Guudlaawe ayaa muddooyinkii u dambeyay kulama siyaasadeed la qaadanayay siyaasiyiinta Hirshabeelle.

Liiskaan ayaa muddooyinkii la soo dhaafay waxa hareeyay muran fara badan, kaas oo beelaha kuraasta isla leh iyo siyaasiyiinta qaar ay dood ka dhex taagneyd.

Hirshabeelle ayaa ah maamulka keliya ee aan weli guda galin howlaha doorashooyinka Aqalka sare, iyadoo dhamaan maamulada dalka ay soo bilaabeen doorashada Aqalka sare.

Goobjoog News