U bood dhigaalka

Cali Guudlaawe Oo Lagu Wado In Uu Shaaciyo Liiska Aqalka Sare Ee Hirshabeelle

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha dowlad gobaleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu soo magacabo liiska Musharixiinta Aqalka Sare ee Maamulka Hirshabeelle ku matali doonta.

Guudlaawe ayaa muddooyinkii u dambeyay dib u dhigay magacaabista xubnaha Aqalka sare ee Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa maanta kulan la qaatay xubnaha guddiga doorashooyinka Heer dowlad gobaleed ee Hirshabeelle.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii ay guddiga ugu diyaar garoobeen doorashooyinka lagu wado in deeganada Hirshabeelle.

Inta badan xildhibaanada baarlamaanka Dowlad gobaleedka Hirshabeelle ayaa labadii maalin ee la soo dhafay ku sii qul qulayay magaalada Jowhar ee caasimadda Hirshabeelle oo hadda laga dareemayo diyaar garowga doorashada.

Musharixiinta Aqalka sare ayaa dhankooda gaaray magaalada, xilli wafdi uu hogaaminayo Senator Muuse Suudi Yalaxoow maanta magaalada Jowhar lagu soo dhaweeyay.

Guud ahaan deeganada dowlad gobaleedka Hirshabeelle ayaa laga dareemaya dhaq dhaqaaqa doorashada Aqalka sare.

Goobjoog News