U bood dhigaalka

Cali Guudlaawe oo Magacaabay Golaha Wasiirrada Hirshabeelle

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha diowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ku dhawaaqay golihiisa wasiirrada maamulka Hirshabeelle, kuwaas oo ka kooban 27 wasiir, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta madaxtooyada, sidoo kale, wasiir ku-xigeennada ayaa dhanka  kale waxaa ay gaarayaan 17 wasiir ku-xigeen oo kamid noqonaya xukuumaddiisa.

Cali Guudlaawe oo madaxweynah Hirshabeelle loo doortay 11-kii November 2020-kii ayaa khilaaf baahdsan waxaa uu kala kulmay iyo diidmo gobolka Hiiraan ayaa  keentay in dib ay u dhacdo magacaabista golihiisa wasiirrada, waxaa sidoo kale dib u dhigay doorashooyinkii heer federal oo kala dhacay magaalooyinka Jowhar iyo Baledweyne oo ka tirsan DG Hirshabeelle.

Xukuumadda cusub ee maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa horyaallo arrimo badan oo ay ugu horeyso dhanka amniga marka la eego in magaalada Buulo Burde ay tahay magaalo ka go’doonsan gobolka intiisa kale, magaalooyinka Jowhar, Baladweyne iyo Muqdisho oo aan la isku socon karin waa waxyaabaha horyaalla Cali Guudlaawe iyo xukuumaddiisa cusub ee la dhisay.

No photo description available.No photo description available.Goobjoog News