U bood dhigaalka

Cali Guudlaawe oo Magacaabay Guddi Baaris ah

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa guddi baaris ah waxaa uu u magacaabay dilkii maalintii shalay Baladweyne loogu geystay taliyihii saldhigga Baladweyne Marxuum Maxamed Xueen Maxamuu kaas oo ku geeriyooday dagaal dhex maray ciidan la sheegay in ay ka tirsanaayeen Harmacad iyo Booliiska maamulka Hirshabeelle.

Xubnaha kale ee Guddigaan ayaa waxaa kamid ah:

Gaanshaanle Maxamed Cabduqaadir Maxamed ku-xigeenka heer ilaaliyahay guud ee ciidamada qalabka sida Guddoomiye.

Gaashaanle sare Saxan Dhicidow Xasan ahna taliyaha booliiska Hirshabeelle guddoomiye ku-xigeen.

1: Gaanshaale Isaaq Cali Cabdulle, Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Hiiraan Xubinib.

2: Gaashaanle dhexe   Maxamuud Xasan Ibraahim Baakaay, Taliyaha guutada 5-aad qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Xubin

3: Laba Xidigle Colaad Cabdullaahi Dalabey, Taliyaha Nabadsugida Gobolka Hiiraan Xubin

4: Laba Xidigle Muuse Salaad Wehliye Xubin

5: Laba Xidigle Xuseen Axmed Maxamed Xubin.

Xubnahaan ayaa waxaa madaxweynuhu farar in ay baaritaan ku sameeyaan sababta ka damabaysay dagaalka dhacay iyo dilka taliyihii saldhigga booliiska magalaada Balaweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo ku baxay dagaal u dhaxeeyey ciidan.

Googbjoog News