U bood dhigaalka

Cali Khaliif Galeyr “Ethiopia waa iga raaligalisey musaafurinteydii, dalkoodana waa igu casuumeen” (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Khaatumo State Dr. Cali Khaliif Galeyr oo waraysi gaar ah siiyey Radio Goobjoog ayaa sheegey in dowladda Ethiopia ay raaligalin qoran soo gaarsiisey, iyada oo ka raaligalineysa dhacdadii Cali looga tarxiiley dalka Ethiopia mar uu ka qeybgalayay shir looga hadlayay arrimaha federaalka oo ka dhacay dalka Ethiopia.

“Ismaandhaaf waa dhacay, dowladda Ethiopiana aniga qof ahaan raaligalin ayay i siisey, iyada oo qoran iyo iyada oo dad loosoo faray ay Nairobi iigu yimaadeen, anaga iyo Ethiopia xiriir fiican ayaa naga dhaxeeya” ayuu yiri Dr. Cali Khaliif.

Wuxuu intaasi ku daray in dhul badan oo ka tirsan ismaamulka Soomaalida Ethiopia ay degenyihiin dad u dhashay gobolada Khaatumo, isagoo intaasi ku daray in Ethiopia ay kala dhaxayso wadashaqayn xaga amniga ah.

Mar uu ka jawaabayay su’aal ahayd in ciidamada Ethiopia uu marar dhawr ah ka magangalay ciidamada Somaliland ayuu sheegey in waligiis ciidamada Ethiopia uusan ka magangalin Somaliland, wuxuuna intaasi ku daray markii Somaliland ay ahaayeen jamhaddii SNM ay saldhigyo ku lahaayeen Ethiopia, halkaasina oga soo duuli jireen dowladdii Soomaaliya, balse Khaatumo aysan wax saldhig ah ku lahayn meel aanan dalka ahayn.

Wuxuu sheegey in marka uu Maraykanka kasoo laabto in uu qorsheynayo in uu Ethiopia toos u aado, isagoo sheegey in uu ka heysto casuumaad rasmi ah.

Mar uu ka jawaabayay su’aal ahayd waxa ay la tahay in sababaha Ethiopia looga musaafuriyey ay ka dambeeyeen Somaliland iyo Puntland ayuu sheegey in xiriirka ka dhaxeeya labadaasi maamul iyo Ethiopia ay muhiimsanyihiin danaha ka dhaxeeya Ethiopia iyo dadka Khaatumo, isagoo intaasi ku daray in xiriirka Ethiopia aysan usii mari doonin Puntland iyo Somaliland.

Mar wax laga weeydiiyey waxa iska badalay aragtidii uu Ethiopia ka qabay markii uu dalka Ra’isulwasaaraha ka ahaa iyo hadda , wuxuuna sheegey in hadda waaqaca jira uu la jaanqaadayo isagoo og xiriirka Ethiopia kala dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamulada dariska la ah.

Halkaan Hoose ka dhageyso

Goobjoog News