U bood dhigaalka

Cali Khaliif Galeyr “ Hanaanka Wax Qeybsiga 4.5 Waxyaabo Badan Ayuu Caqabad Ku Noqday”

Sheeko:Dalka

Cali Khaliif GalayrMadaxweynaha maamulka Khaartumo State ayaa ka hadlay arimo badan oo ku aadan hanaanka Soomaalida wax ku aqeybsato ee ah 4.5, taasi oo uu sheegay in wax badan ay caqabad ku noqotay sida amaanka iyo arimo kale.

Galeyr ayaa sheegay in walaac umada Somaaliyeed ay ku keentay  Hanaankaan Awood Qaybsiga , taas oo uu tilmaamay in ay keeni karto sidoo kale habacsanaan  xaga Nabadgalyadda.

Sidoo kale waxa uu is weydiiyay Madaxweynaha maamulka Khaatumo  qaabka iyo sida Ciidamada Qaran oo loo helo karo mar  hadii wali ay taagan tahay  awood qaybsiga Soomaalidu ay caadaysteen  wixii ka danbeyay bur burkii dalka.

Soomaalida ayuu sheegay in ay xal u arkeen sidaan inay wax ku qeybsadaan ka dib shirar badan oo ka dhacay dalka dibadiisa.

Waxa uu Cali Khaliif Galeyr talo kusoo jeediyay in nidaamka hab qabiilka ah laga gudbo islamarkaana qarannimo iyo Soomaalinimo la aado si loo helo dowladda aan qabiil ku dhisneyn.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News