U bood dhigaalka

Cali Seeko: Baaritaan baan ku haynaa qaraxii xalay (Dhageyso)

Sheeko:Dalka
Afhayeenka Gobolka Banaadir, Cali Seeko
Afhayeenka Gobolka Banaadir, Cali Seeko

Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in baaritaan lagu hayo kooxdii fuliyay qaraxii xalay ka dhacay Muqdisho.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Cali Maxamuud Faarax (Cali Seeko) oo warbaahinta la hadlay ayaa shaaciyay in ciidamada amniga ee dowladda Federaalka Soomaaliya ay baaritaan ku hayaan shaqsiyaadkii ka dambeeyay fulinta iyo fududeynta qaraxyadii xalay ka dhacay Muqdisho.

Waxa uu afhayenka maamulka goblka Banaadir shacabka ugu baaqay in ay amniga gacan ku siiyaan ciidamada dowladda oo ay soo sheegaan cid weliba oo laga shakiyo isaga oo ballan qaaday in la qarinayo magaca qofkii fariintaasi soo gaarsiiya ciidamada dowladda Soomaaliya.

Qaraxan ayaa sababay dhimashada 6 ruux isaga oo noqonayo kii labaad muddo todobaad gudihiisa ah.

Hoos ka dhageyso codka  Cali Maxamuud Faarax (Cali Seeko):