U bood dhigaalka

Cali Seeko: Halaga qeyb qaato dib u dhiska xarunta Fiisha gufeerno

Sheeko:War
Afhayeenka Gobolka Banaadir, Cali Seeko
Afhayeenka Gobolka Banaadir, Cali Seeko

Ururka Iskaashatooyinka Soomaaliyeed ee marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaan UDHIS ayaa maanta agab dhismo gaarsiiyay xarunta dowladda Hoose ee Xamar halkaasi oo ay ka socoto howlo dib loogu dhisayo xarunta “FICIO GOVERNO” si ay uga qeyb qaataan dib u dhiskaasi.

25 gaari oo nuuriyad ah ayay ururku ugu deeqeen Maamulka Gobolka Benaadir, waxaana goobtaasi gaaray mas’uuliyiin ka tirsan Ururka Iskaashatooyinka Soomaaliyeed ee UDHIS iyo xubno kale oo maamulka Gobolka ka tirsan.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa markale ku baaqay in Bulshada Soomaaliyeed ay ka qayb qaataan dib u dhiska Xarunta Fiisha-Gufeerno ee degmada Xamarwayne.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Cali Seeko ayaa sheegay in muhiim ay tahay ka qayb qaadashada Xaruntaas oo uu dhagax dhigay Maamulka Gobolka Banaadir.
Waxa uu Afhayeenka Maamulka Gobolka sheegay in ay ka mahad celinayaan Ururada aan dowliga ahayn ee isku xil qaamaya ka qayb qaadashada dib u dhiska Xarunta Fiisha-Gufeerno.
Ganacsato kamid ah kuwa gobolka Banaadir ayaa ka jawaabay baaqii koowaad ee maamulka uu u jeediyay bulshada iyagoo carada loo adeegsado dhismaha ee Carro kaawada loo yaqaano dhigay xarunta Fiisha gufeerno.

Xarunta Fiisha gufeerno ayaa ahayd xaruntii uu ku shaqeyn jiray maamulka Gobolka Banaadir xilligii ay shaqeyn jirtay dowladdii dhexe ee dalka.