U bood dhigaalka

Cali Yare oo Ku Dhacay Tijaabada Beeshiisa, Ku Takri-fal awood iyo Ceyrin Dhalinyarada Waa Eeddiisa

Sheeko:Amniga

Tallaabo isla xisaabtan toos ah ayey dhalinyaro ka tirsan Habar-gidir oo ah beesha uu kasoo jeedo guddoomiye ku xigeenka amniga ee gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) ku sheegeen in uu mamaulka gobolka uu ka dhex bilaabay kutakri-fal awood, beegsiga qofka ka aragti duwan ee beesha Habar-gidir ah  iyo arrimo kale.

Wardheere oo lix bil uun jagadan haya ayaa lagu eedeeyey Ku takri-fal awood iyaga oo sheegay in gardarro ku shaqada uga ceyriyey  Axmed Cumar Diini iyo shan dhalinyaro oo kale, beegsiga shaqaalaha gobolka ee Habar-gudir.

Dhalinyarada oo shir jaraa’id ku qabtay caasimadda Muqdisho ayaa diray farriin ah inuu Cali yare ku dhacay tijaabada beeshiisa, waxayna  ka codsadeen ra’iusl wasaare Maxamed Rooble inuu soo farageliyo halka xildhibaannada Habar-gidir iyaga loogu baaqay in ay arrinka Cali Yar wax ka qabtaan.

Cabdiqaadir faarax diiriye (Carab)  oo ka mid ahaa dhalinyarada Habar-gidir eek a hadashay shirka jaraa’id ayaa waxaa uu yiri“ Muddadii ay socotay Axmed dhibaateyntiisa,  muddo ay socotay  bil iyo labo iyo toban berri ayaa si shaqsi ah,  maadama aan ka tirsanahay hay’adaha dowladda uga shaqeynayey in la hor istaago kiiskan dhibaateyntiisa , illaahey mahaddiis waan ku guuleysanaya illa iyo xad meel fiicana gaarsiinno, laakiin Cali inta uu baxay Cumar Filish uu tagay oo gondaha qabsaday ayuu yiri, amaa anaa xilka iska casiila ama Axmed waa in uu shaqada ka tago,  waan ka xumahay in Mayorka uu ku dhici waayey in uu dulmiga diido, laakiin waxa uu ogolaaday in Axmed Cumar shaqada laga saaro ”.

Cali axmed faarax Fa’le  oo isna dhalinta Habar-gidir ahaa waxaa uu qabaa “ Maanta wax keeni karo ma lahan in aad shaqo ku badalataan sumcaddiinna iyo sharaftiinna, maanta sida aad walaalkeen iyo kuwa kale ee dhibanaha u difaacdeen, keligiisna ma ahan laakiin waa dad badan oo bahdaan laga eryay wasaaradaha laga eryay, gobalaa laga eryaa meel walba waxaa la ogaaday in aysan matalaad dhab ah ku laheeyn waa la bililiqeystay , mana yaro dadku laakiin ninkaan hogaamiyuu u yahay xuquuqdooda ninka u hadlaayo waye ”.

Shamsi Cabdullahi Oreey  oo ka tirsan haweenka  Habar-gidir, Ogaaska beesha uu dhalay oo si kulul uga hadashay arrinta Cali Yare waxay qabtaa in aanu iskusoo doonan jago xildhibaannimo“ Dhalinyaradii yareyd ee gobalka ka shaqeyneyse ee adiga shaqada kaaga horeysay oo adiga shaqada kaga horeyay haddaad rabto in aad saarto aadna raadineyso kursigii beesha warkaas anigu waa warkii gurigeyga iga soo waday” .

Cali Yare oo jagadan ku helkay inuu daacad u yahay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, kuna jiray ololihiisa, doonayana inuu sanadkan u tartamo jagada xildhibaannimo federaalka ah ayaan weli ka hadlin eedda ay beeshiisa ku heysato .

Goobjoog News