U bood dhigaalka

Camaara oo Labo Dhinac Weerar uga Socdo, Akhriso Wararka Dagaalka Qeycad iyo Qod-qod

Sheeko:Amniga

Dagaal u dhaxeeya ciidamada Galmudug iyo kuwa Faderaalka oo is garabsanaya iyo Alshabaab ayaa hadda ka socda deegaanka Qeycad oo udhaxeeya Bacaadweyn iyo Shabeelow.

Warar ay heshay Goobjoog News ayaa sheegaya in ciidankan oo markii hore ka soo ruqaansaday Bacaadweyn uu ujeedkoodu yahay deegaanka Camaara oo ka tirsan Gobolka Mudug.

Ciidamadan ayaana waxa hogaaminaya Wasiirka Amniga ee maamul goboleedka Galmudug Axmed fiqi iyo Senatorka aqalka saree e baarlamaanka federaalka ah Gen. Abdi Qeybdiid.

Dhanka waxa jira dhaqdhaqaaqyo ciidan oo laga dareemayo deegaanka Qod-Qod oo u dhaxeeya Camaara iyo Xinlabi oo ay shalay ilaa xalay ay dagaalo qaraar ku dhaxmareen ciidamo uu hogaaminayo Jen. Saadaq joon iyo Alshabaab.

Maamulka Galmudug ayaa wada guluf laba geesood ah oo ay ku doonayaan in ay ku qabsadaan degaanka camaara ee koofurta Mudug oo gacanta ugu jira Alshabaab.

Goobjoog News