U bood dhigaalka

Cumar Cabdirashiid: Sheekh Shariif Go’aanka MOU Waa Ogaa, Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Aamusay

Sheeko:Amniga

Ra’isul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid oo goordhow qoraal soo dhigay bartiisa Twitterka ayaa ku sheegay in madaxweyne Sheekh Shariif uu wax ka lahaa go’aanka lagu saxiixay MOU-ga badda ee lala galay Kenya 2009-kii.

Arrintan ayaa imaaneysa saacado uun markii Sheekh Shariif inkiray inuu MOU-ga ogaa isaga oo intaas raaciyey in ay ku kala xanaaqeen isaga oo wasiirkiisa qorsheynta ee xilligaas is afgaradka saxiixay Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Dhankiisa, Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo xalay goobjoog ka ahaa goobta uu Shariif sidaa ka dhahay ayaan weli ka hadlin arrinkan.

April 7, 2009: Dalalka Kenya  iyo Soomaaliya ayaa Heshiis is afgarad oo Badda ku saabsan ku gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Is afgaradkan oo ay saxiixeen wasiirka qorsheynta Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdiashur iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya Moses Wetang’ula ayaa waxaa lagu sheegay in labada dal ogolaadeen xadeynta cabbirka qalfoofta qaaradda ee badweynta ka xiga fogaan ka durugsan 200 oo Meyl badeed oo u dhiganta( (370km), oo weliba u gudbniyaan guddiga xadeynta iyo in la calaamadeeyo si rasmi ah biyaha lagu muran san yahay ee ee Badweynta ka xiga fogaan ka durugsan 200 oo Meyl badeed-u dhiganta-( (370km) ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya iyadoo la raacayo sida ku qoran qawaaniinta  caalamiga ah ee qaramada midoobey…heshiiskaas oo hadda taariikhda galay, waxaa qeylo-dhaan ka keenay shacabka Soomaaliyeed oo badankood ku doodeen in baddii Soomaaliya La iibsaday.

Goobjoog News