U bood dhigaalka

Canada: Haddii Aad Ku Sugan Tahay Itoobiya, Si Deg-Deg Ah Dalkaas Uga Bax

Sheeko:Amniga

Dowladda Canada ayaa ugu baaqday muwaadiniinteeda ku sugan dalka Itoobiya in ay si deg deg ah kaga soo baxaan dalkaas halka kuwa u socdaalaya dalkaas loogu baaqay in ay ka joogan kadib shaki la geliyay xaaladda Amni ee dalka dhaca geeska Afrika.

War ka soo baxay Canada ayaa lagu faray in muwadiniinteeda kanadiyaanka ah ee qorsheynaya in ay Itoobiya tagaan ay ka digtoonaadan khataraha halista ah ee laga soo warinayo dalka oo muddo sanad ah dagaal uu ka socdo.

“Muwaadiniinteenna ku sugan Itoobiya si deg deg ah uga baxa dalka,  Haddii aad u baahan tahay kaalmo qunsuliyadeed waxaan kuu sameyn doonnaa dadaal kasta oo aan kugu caawin karno , Si kastaba ha ahaatee, waxaa jiri kara caqabado xaddidi doona awoodda Dowladda Kanada ay ku bixiso adeegyada.

Qoraal ka soo baxay dowladda Canada ayaa sidoo kale lagu sheegay in dowladda Kanada ay muwaadiniinteeda socdaalka galaya ay diyaar u tahay in ay siiso macluumadyo buuxa oo ay khatarta kaga hortagaan.

“Go’aanka safarka waa doorashadaada, adiga ayaana mas’uul ka ah badbaadadaada shakhsi ahaaneed ee dibadda. Waxaanu u qaadanaynaa badbaadada iyo badbaadada Kanadiyaanka dibadda si dhab ah waxaanan ku siinaynaa macluumaad lagu kalsoonaan karo oo wakhti ku habboon Talada Safarka si aan awood kuugu siinno inaad gaadho go’aano xog-ogaal ah oo ku saabsan safarkaaga dibadda,” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Canada.

Sikastaba Itoobiya ayaa laga deyrinayaa xaaladeeda muddooyinkii la soo dhafay taas oo ay weli ciidamada TPLF iyo xulafadooda dagaalka ay ku hareereysan yihiin caasimadda Addis ababa.

Goobjoog News