U bood dhigaalka

Canada Oo Musaafurineysa Muwaadin Soomaaliyeed

Sheeko:Dalka

Dowladda Canada ayaa Isniinta maanta ah waxay dalkeeda ka musaafurineysaa Aabe Soomaaliyeed oo lagu eedeeyey in magac been ah ku tagay dalkaasi.

Aabahan oo lagu magacaabo Yuusuf Maadey Maxamed ayaa dalkaasi waxaa u jooga 4 Carruur ah iyo hooyadood, wuxuuna halkaasi tagay sanadkii 2013, kadib 20 sano oo uu ku noolaa xeryaha IFO ee Kenya.

Wuxuu haystay Baasaboor Kenya ah, balse waxaa lagu eedeynayaa in Baasaboorkan magaca ku qoran uu ahaa Faarax Maxamed C/laahi.

Yuusuf ayaa sheegaya in uu aad u walaacsan yahay maadaama uu ka dheeraanayo qoyskiisa, wuxuuna sheegay inuu u socdo meel uu ogyahay in naftiisa halis ku tahay.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Canada ayaa sheegtay in ay waddo weli isku day ah in safarkan maanta ee Yuusuf baajiyaan.

Sidoo kale, Jaaliyadda ayaa sheegtay in xeryaha qaxootiga Kenya ay wax iska caadi ah tahay iibsashada Baasaboorada iyo waxyaabaha kale ee muhiimka u ah in qofka uu dalkaasi ku joogo.