U bood dhigaalka

Canug Dhallan Shan Bil Iyo Dad Kale Oo Ku Dhaawacmay Qarax Ka Dhacay Buuloburde, Hiiraan

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya degmada Buuloburde ee gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in Maqaayad ku taalla halkaasi uu ka dhacay Qarax Miino oo khasaare soo gaarsiiyay dad shacab ah.

Qaraxaan ayaa la sheegay in uu sababay dhaawaca Seddax qof oo uu ka mid yahay canug Shan Bil dhallan.

Cabdicasiis Duurow Cabdi oo ah gudoomiyaha degmada Buuloburde ayaa u sheegay Goobjoog News, in dhammaan dadka waxyeelada soo gaartay ay isku qoys yihiin.

Waxa uu sheegay In miinadaan lagu qariyay meel ka mid ah maqaayadda, waxaana uu ku eedeeyay inay ka dambeeyaan Xarakada Al-shabaab, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Qaraxaan waxaa geystay Al-shabaab, shaqadoodi waaye la yaab ma leh, meel maqaayad ah oo dad masaakiin ilmo ku korsadaan ah ayeey dhigeen Miinada meelaha fog laga hago, Seddax qof ayaa ku dhaawacantay, Canug Shan bil ah ayaa ka mid ah, Hooyadii iyo canug kale oo la dhashay, ayaa dhaawacmay” ayuu yiri Gudoomiyaha.

Dhinaca kale wararka caawa laga helayo degmada Buuloburde ayaa sheegaya in ciidamada amniga ay wadaan howlgallo la sheegay in lagu baadi goobayo dadka qaraxaasi ka dambeeyay.

Goobjoog News