U bood dhigaalka

Caqabadaha Heysta Madaxweyanaha Galmudug.

Sheeko:Dalka

Galmudug waa Markii labaad oo Cadaado lagu qabto doorashada hoggaanka Madaxtinimada Maamulkaas, waxaa la sheegaa in hadda Caqabado dhowr ah ay ku hor gudban yihiin Masuulka Xilka loo doortay.

Xildhibaanada Galmudug ayaa kol hore qaaday Tallaabo aan maamulada kale horay loogu arag  taas oo aheyd in madaxweynihii shaqada ka tagay ee Maamulkaas ay Mooshin ka keeneen, iyadoo la sheego in ugu dambeyn Sababtaas uu xilka isaga dhiibay iyo Arima kale.

Hada Madaxweynaha Xaafiiska la wareegaya Ee maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf waxaa lagama maarmaan ah in uu wax ka qabto caqabadaha ayka mid ka yihiin.

Burcadbadeeda, isbaarooyinka, Dib u heshiisiinta  Beelaha wada daga Galmudug, wadahal lala furo AhluSunna Si Galmudug ay mid u ahaato iyo Alshabaab oo Mudug iyo Galgaduud Degmooyin iyo Deegaano katirsan jooga.

Burcad Badeeda:  Galmudug waa mid ka mida deegaanada burcad badeedu ay ka billowdeen wixii ka dambeeyey 2006 dii Hada waxaa haboon in qaab loo wajaho la helo dhalinyarada qafaalanaysa duumaha iyo Maraakiibta kuwaas oo bar madow ku reebay Badaha Soomaaliya.

Isbaarooyinka: Gaalkacyo Afaafka hore waxaa taala isbaaro ma xadadna lacagta lagu qaado balse waa lama huraan in uu bixiyo laaluush si wadadaas uu u adeegsado.

Galinsoor: isbaarada taalla waxaa gaadiidka laga qaadaa mid kasta oo kamida 5 Dollar,

-Beendheere gawaarida waxaa laga qaadaa 10, ma ahan mid maamulka gaarta.

-Cadaado:  10  Dollar ayaa laga qaadaa gawaadhida xamuulka ah ma cadda in lacagtaas ay Maamulka gaarto,

Godinlabe Waxaa iyana taalla shan isbaaro afaafka hore ee magaalada laga soo gallo iyo halka looga baxo waxaa la qaadaa min Saddex Dollar.

-Ahlusunna: ma jiro tirakoob sax ah oo laga hayo isbaarooyinka yaala Deegaanadaas Laakiin waxaa la qaadaa Min 200 oo shillin Somali ah.

Inta u dhexaysa Cadaado iyo hobyo lama sheegin in isbaaro ay Taallo Balse soo boodo Ama Jid gooyo aan lagu tashan ayaa lagala kulmaa.

Dib u heshiisiinta: Madaxweynaha Maamulka Galmudug waxaa muhiim ah in uu wax ka qabto Colaada Beelaha inta badan ku dagaalama galmudug waxaa ugu badan deegaanada Qabaa’ilka la isugu dillo galgaduud.

Dhamaan deegaanada Galmudug Sanadihii u dambeeyey waxaa ka dhacay Dagaal beeleed labadii sano ee la soo dhaafay dad boqol ku dhow ayaa geeriyooday iyadoo ay barakaceen dad kale Wali xal lama gaarin.

AhluSunna: Deegaan ahaan maamulka Galmudug wali waa qabyo Xubno uu hogaamiyo madaxweynaha Maamulka Gobolada dhexe ayaa dhuusa mareeb jooga dhowr wadahadal ayaa fashilmay.

Madaxweyanaha Maamulka Galmudug Axmed ducaalle Xaaf ayaa dad badani waxa ayka sugaan waxa   in uu ka dhabeeyo wadahadaladda galmudug iyo AhluSunna si looga baxo Kumeel gaarka Galmudug  na ay u hesho Caasimad ayku  shaqeyso.

Alshabaab: waxaa jira deegaano iyo degmooyin Alshabaab gacanta ugu jira oo mudug iyo Galgaduud ku yaalla, tusaalle  Xarar dheere ayaa maamulla iyagoo dhanka Saadka u adeegsada Badda.

Galgaduud waxaa ka mida  magaalooyinka Ashabaab ay ka joogaan Ceel buur Ceel Cali iyo Ceeldheer galharreri Ceel garas iyo Xiindheere.

Intaas xalkooda hadii uu ku guuleysto madaxweynaha Cusub ee maamulka Galmudug waxaa dhalanaysa galmudug isheysata gaarina karta horumarka ay hiigsanayaan Maamuladda kale ee dalka ka jira.

W/Q: Cali Aadan Muumin