U bood dhigaalka

Caqabadaha Heysta Shirka Madasha Ee Muqdisho

Sheeko:Dalka

Soomaaliya waxaa ka socda doorashooyin heer gabo-gabo ah maraya, 28-ka bisha waxaa uu qurshuhu yahay in dalka Madaxweyne cusub uu yeesho, waa ballantii 4-aad ee guddiga doorashada dadban ay qabtaan, waana tii 5-aad ee doorashada loo qabto markii lagu daro jadwalkii wasaaradda arrimaha gudaha ee bishii August.

Guud ahaan Xildhibaannada ilaa hadda la doortay waa : 247,  Ragga waa : 189, halka Haweenka ay gaarayaan ilaa 58, waxaa xusid mudan in haweenka la doonayo in ay helaan 82 xubnood si loo gaaro 30% tiradaas oo aaney heli doonin sida muuqata 2016-ka.

Caqabado badan ayaa doorashada heysta, Xilliga aanu wax qoreyno waxaa uu shir maalintii 4 -aad magaalada Muqdisho uga socdaa madasha hoggaanka qaranka, waxaa la isku mari la’yahay dhowr qodob:

  1. Khilaafka Puntland iyo beelaha waqooyi ee Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya.
  2. Doorashada Labada Aqalka ee Somaliland iyo sidii lagu dhameystiri lahaa.
  3. 11-ka kursi ee guddiga khilaafaadka laaleen iyo xitaa kuraas kale oo beesha caalamka ay ku dheggen tahay, dooneysana in natiijada la baabi’iyo.
  4. Xilliga lagu soo gabagabeyn karo doorashada iyo waqtiga ay tahay in labada aqal u furmayo kalfadhiga 1aad.
  5. Arrimo la xiriira doorashada 2016-ka iyo xulufeysi siyaasdeed ayaa sidoo kale madasha hareeyay.

Ilo ku dhaw Madasha Hoggaanka Qaranka ayaa Goobjoog News u xaqiijiyay in madasha ay warbixinno ka dhageysatay dhammaan guddiyada doorashada, isla markaana ay ka wada hadleen hannaanka doorashada iyo sidii xal looga gaari lahaa.

Madasha waxaa ay beesha caalamka la qabtaa in 11-ka kursi ee guddiga khilaafaadka laaleen ay tahay in laga laabto qaarka aan meel ka dhac xoogani jirin, arrintaas oo guddiga khilaafaadka ay shaqo joojin ka xigaan.

Wararka waxaa ay intaasi ku darayaan in beesha caalamka ay ka wal-walsan tahay Qoondada Haweenka oo beelaha qaar ay xoogeen iyo sidii Hannaanka doorashada loo dhameystiri lahaa ka hor January 2017-ka taas oo hadda ay muuqato in ay adag tahay.

Shirkan oo laga yaabo in uu noqdo midkii ugu dambeeyay ee madasha hoggaanka qaranka isugu yimaadaan ka hor doorashada 2016-ka ayaa waxaa su’aalo badan laga keenayaa mustaqbalka madasha iyo in kaalintooda ay sii jiri doonto dowladda soo socota.

Goobjoog News