U bood dhigaalka

Caqabadaha Hortaagan In Soomaaliya Ay La Wareegto Maamulka Hawadeeda

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Cali Nuur Xuseen oo wareysi gaar ah siiyey Goobjoog News ayaa ka hadlay xaalado farabadan oo taabanaya hawada Soomaaliya, caqabadaha hortaagan iyo sida ay tahay in loo waajaho oo u baahan in go’aan adag in laga qaato.

Xildhibaanka oo ku hadlayay magaca guddiga arrimaha hawada ee baarlamaanka fedraalka ayaa sheegay inuu doonayo inuu shacabka la wadaago hawada oo mugdi farabadan ku jiro oo shacabkuna intooda badan aaney la socon, isla markaana ay tahay in loo caddeeyo oo la akhbaar galiyo.

Xildhibaanka ayaa ka warbixiyay taariikhda hawada Soomaaliya markii ay bilaabatay in lala wareego, markii ay wareegtay illaa hadda oo ay maqan tahay iyo sida la rabo in loosoo celiyo.

1991-dii waxaa burbur ku yimid hay’adihii duulsita hawada oo shaqadoodu ahayd iney kala hagto diyaaradaha hawadeenna maraya oo hadba adeegga loo qabto looga qaadi jiray khidmadda ku habboon, waxeyna ahayd hay’ad dakhli fiican waddanka soo galisa.

Shaqaalihii xirfadlaha ahaa ee wasaaradda ayaa kala tagay, qalabkii lagu shaqeynayay waxaa soo gaaray burbur, dad rayid ahna ayaana gacanta ku dhigay .

Sanadkii 1992 waxaa hawada Soomaaliya la wareegay Unitaf oo ahaa howl galkii ka horreeyay Unosom, iyadoo diyaaradaha hawadeenna mara laga hagi jiray Markab baddeena yaalla oo ay leeyihiin ciidamda Mareykanka, lacagaha laga qabto dowladda Soomaaliyeed waxba kama ogeyn ama dad gaar ah ayaa ogaa.

1993 ayaa si sax ah loogu wareejiyay hawada Soomaaliya hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan horumarka ee loo yaqaanno UNDP, hay’adda ayaa isla markiiba ku dhaqaaqday in Nairobi xafiis laga furo, qalabkii laga hagi jirayna inta Xamar laga raro Nairobi la geeyo, shaqaalihii xirfadlayaasha ahaa wixii waddanka ka joogayna in la wado, qaarkale oo xirfaddaa wax ka yaqaanana lagu kabo, halkaasna laga wado howshii hawada Soomaaliya.

UNDP waxay aasaastay mashruuc ay ugu magac dareen CACAS “Civil Aviation Caretaker Authority for Somalia”, waxaana kor ka maamusha hay’adda hawada sare ee adduunka “ICAO”, maamulkeeda sare iska leh, iyadoo magaca CACAS uu si dhab ah u dhaqan galay sanadkii 1996dii, iyadoo lagu dhaqmayay illaa  sanadkii 2013.

2013 ayaa wasirikii Gaadiidka iyo duulista hawada ee Soomaaliya Ceelmooge uu tagay xarunta hay’adda “ICAO” ee Montreal, waxa uuna heshiis kula soo galay in dowladda Soomaaliya u baahan tahay in hawadeeda lagu wareejiyo, weyna ka aqbaleen heshiisyo qoraal ah ayaa la soo kala qortay iyo in muddo gaaban la soo wareejiyo, muddadii la filay in lagu soo wareejiyo ma aaney dhicin, guddiga baarlamaankuna waxa uu bilaabay in uu dabagal xooggan ku sameeyo arrinkaa, iyadoo xildhibaanadu is tusay mudada dheer ee hawadu maqan tahay iyo lacagaha soo gala aan la ogeyn meesha lagu bixiyo iyo cidda qaadata toona.

Wasiir Ciilmooge oo ka tirsanaa dowalddii saacid ayaa sanadkii  2013 waxa uu baarlamaanka geeyay, is afgarad uu ku sheegayo in hay’addii ay isla soo ogolaadeen in maareynta hawada lagu soo wareejiyo dowladda Soomaaliya, laakiin sanad iyo bar ka dib lasoo wareejin doono.

Intii mudadaas la sugayay ayaa wasiirkii xilka uu ka tagay, wasaaraddii waxaa loo magacaabay wasiir kale, Siciid Qoorsheel ayaana noqday wasiirka cusub, hadana qoladdii hay’addu wey u yeereen wasiirkii cusbaa xaruntooda Montreal, hadana waxaa la isla soo gartay in muddo 39 bilood ah lagu sameeyo xil wareejin si tartiib tartiib ah, maadaama dalkii uu burbur badan ku dhacay, shaqaalihii xirfadlayaasha ahaana aaney wali sidii la rabay u diyaarsaneyn, qalabkii loo baahnaa aanuu wali diyaar ahayn, arrimahaas oo iyaguna markale dib u dhac keenay.

Nidaamka soo wareejintu qaabka uu ku bilaabanayo waxay ka soo saareen document cad oo ay ku cadahay wax walba, iyagoo ku caddeeyay wajaabidaadka hay’adda iyo tan dowladda laga rabo iyadoo mashruucaa lagu fulinayo lacago $57,000,000 (konton iyo todobo milyan oo dollar) , iyadoo shaqaale xirfadle ah iyo qalabkii ay ku howl gali lahaayeen lagu diyaarinayo in la dhiso xarumo laga maamulo hawada, oo hadda mid kamid ah waxay ka bilaabatay garoonka Aadan Cadde dhexdiisa.

Xildhibaan Cali Nuur ayaa yiri “bishan aan hadda ku jirno ee Febraayo horraanteedii ayaa waxaa u ambabaxnay xarunta hay’adda duulista caalamka ee magaalada Nairobi oo ku dhex taalla xarunta qaramada midoobay, waxaana kula kulannay madaxda hay’adda duulista caalamka, iyadoo ay xildhibaanada la socdaan madaxda wasaaradda gaadiidka qolada u qaabilsan duulista hawada, waxaan la galnay shir laba maalmood socday 9-10 bishan Febraayo , waxaa weydiinney sanado badan iney dalka hawadiisa maamulayeen dhaqaalo intee le’eg ayaad ka qabateen? Ma idinkaa haya lacagta mise dowladda Soomaaliyeed ayaad ku wareejiseen? Kharaj noocee ah ayaa gasheen? Maxaa lacagtii ka haray? Iyo su’aalo kale oo muhiim ah, laakiin wax jawaab ah oo aan ku qanacno nalama siin”.

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay “Waxa noo soo baxay in mudada intaa le’eg hawadeena sababta ay u maqan tahay ay ka weyn tahay shaqoole xirflad layaal ah iyo wax la mid ah inaan la hayn, laakiin ay tahay dhaqaale farabadan oo ka soo xarooda oo aan la ogoleyn in dowladda Soomaaliya uu gacanta u galo”.

Xildhibaanka ayaa sheegay in sanadkii 2015 ay haddana hay’addu soo rogaal celisay isla markaan ay wasiirka duulista u keeneen qorshe cusub oo ay ku sababeynayaan waxa diidan in hawada Soomaaliya la soo wareejiyo oo ay ku sheegeen caqabado cusub, wasiirkana ay ka saxiixeen 36 bilood oo cusub oo ka bilaabaneyso Febraayo 2015.

Xildhibaanka ayaa waxa uu yiri waxay xisaabtooda hayaan wixii ka dambeeyay sanadkii 2001-2015kii inta duulimaad oo hawadeena dulmartay oo ay tiradooda ku sheegeen 530,900 – duulimaad ay hawada Soomaaliya mareen, habka lacagta looga qaadaana waa 7 darajo oo kala duwan kuna xiran hadba adeegga ay dowladdu siin karto duulimaadyada dusheeda mara, kaalinta ugu fiican ee adduunku ku lacag qaato waa “A”, laakiin Soomaaliya hawadeeda diyaaradaha maraya waxaa looga qaadaa lacagta darajada “G” oo ah tan ugu hooseysa, waana darajo aan wax adeeg ah la socon diyaaradaha dusheena marana waxaa lacagta looga qaadaa maritaanka oo kaliya, iyadoo duulimaadkiiba laga qaado $275, lacagtaasna illaa iyo hadda xisaab dhab ah laguma sameynin, wixii 15 sanno ka horreeyayna wali warkeeda cidiba ma hayso, waana howl u taalla hay’adaha maaliyadda ee dalka iyo hanta- dhowrka qaranka, xildhibaan waxa uu yiri annaga guddi ahaan waxaa muhiim noo aheyd in laga shaqeeyo si degdeg ah in hawada loo soo wareejiyo.

Xildhibaanka ayaa waxa uu sheegay in hay’adda aaney diyaar u ahayn iney hawada soo wareejiyaan, Documentigii ay nasoo hor dhigeen waxaa ku jirtay in shuruudaha qaar laga doonayo in dowladdu ay soo buuxiso , haddii ay taasi dhici weydana aaney suuro gal ahayn in ay hawada soo wareejiyaan, waxaana noosoo baxday inaaney hawada dib u soo celineyn.

Shirku intii  uu socday ayaa waxaa nagu soo biiray safiirka Kenya u fadhiya Soomaaliya, Jamaal Xuseen, dhamaan guddii baarlamaanka, kooxdii wasaaradda gaadiidka iyo safiirkii intaba waxaan galnay kulan degdeg ah, waxaan ka codsanay qoladii duulista hawada iney fursad nasiiyaan oo aan kuwada tashanno, waxaan isla aragnay haddii aanan maanta go’aan adag qaadan in hawada sida ay ku soo noqoto adkaaneyso, mar walbana naloo sheegayo wax aan jirin, waxaan qaadanay go’aan ah waa in si degdeg ah loo soo wareejiyaa, haddii kalena aan la tiigsanayno caalamka iyo hay’adaha aan ka tirsanahay, meel kasta oo aan ka dacwoonno, dunidana aan u sheegayo in hawada Soomaaliya xoog lagu haysto, dowladda Soomaaliyana aaney ralli ka ahayn sida ay wax u socdaan, in dowladd walbaaba hantideeda maamulan karto waa wax la isla ogyahay cid kastaana aaney ku xad gudbi Karin, waxaan u dhiibaney go’aan adag waxaa u sheegay xitaa haddii wareejinta ay lagama maarmaan tahay in lagu sameeyo gudaha Soomaaliya, xafiiska Nairobina gabi ahaanba la xanibo, dowaldda Soomaaliyana ay awood ku yeelato maareynta lacagta.

Intaa aan u sheegnay wey nala qaateen laakiin waxay noosheegeen iney wakhti u baahan yihiin sidii ay uga fikiri lahaayeen qorshaha cusub ee aan hor dhigney, wakhtiyarna na siiya anagaa go’aan idinku soo cilineyna ayay sheegeen.

Xildhibaanka ayaa ugu danbeyn waxa uu ka hadlay arrinka ay ka damacsan yihiin hay’adda Duulista hawada ee Caalamka isagoo yiri, waxaan warbixin hor dhigeynaa xubnaha baarlamaanka oo aan uga xog warrameynaa xaallada dhabta ah iyo caqabadda taagan intaba, waxaanan fileynaa in baarlamaanku uu go’aan adag ka soo saaro sidii si degdeg ah hawadu ugu soo laaban lahayd gacanta Soomaaliya.

W/Q:- Khadar Xuseen Maxamed