U bood dhigaalka

Caqabadaha ku Gedaaman Helidda Dal kugalka Hindiya (Visa)

Sheeko:War

Dhibaatada dadka Soomaaliyeed ka haysata helidda dalkugalka Hindiya iyo Doorkii ay Dowladda Soomaaliya ku lahayd oo ay gabtay.

Soomaaliya iyo Hindiya waxaa ka dhexeeya xidhiidh soojireen ah oo isugu jira, mid ganacsi iyo diblomaasiyadeed. Sida taariikhda lagu sheego, xidhiidhka ganacsi ee u dhexeeyey Soomaaliya iyo Hindida wuxuu soo billoway, qarni hore, Ibnu Batuuta wuxuu sheegay joogitaanka ganacsatada Hindida ah, ee Geeska Afrika ilaa 1331-dii. Xidhiidhka ganacsi ee labada dal ka dhexeeyey, waxaaa daba socday, mid diblomaasiyadeed oo soo billowday xiligii ay Soomaalidu xorriyadda heshay 1960-kii. Wakiilka Hindiya ee lagu magcaabi jiray, Mauritius waxaa loo aqoonsaday in uu yahay Safiirka Hindiya ee Soomaaliya waxaana laga guddoomay Waraaqaha Aqoonsiga sannadkii 1961-kii.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, H. E. Dr. Cabdirashiid Cali Sharma’arke, oo uu weheliyo Wasiirka Warfaafinta ayaa booqday Hindiya sannadkii 1963-kii. H. E. Dr. Sharma’arke wuxuu booqday Hindiya mar kale 1968-dii. Burburkii ka dib Soomaaliya waxa ay safaarad ku yeelatay Hindiya. Wakiilka Sare ee dalka Hindiya u fadhiya Kenya ayaa islamar ahaantaanna loo aqoonsansaday in uu masuul ka yahay, arrimaha Soomaaliya. Waliilku waxa uu soo booqday magaalada Muqdisho intii u dhaxaysay 6-dii ilaa 7-dii Maarso 2011 ilaa waraaqaha aqoonsiga ee safiirnimo uu kala wareegay madaxweynihii hore mudane, Sheekh-shariif Axmed. Wakhtigaas safiirka Hindiya wuxuu sidaas oo kale la kulmay Ra’iisulwasaaraha DFKMG Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo iyo Ra’iiselwasaare kuxigeenka Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo sidoo kale Ra’iisulwasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Oomaar.

Madaama oo uu wanaagsayahay xidhiidhka labada dal oo xiligan la joogo Soomaaliya ku leedahay Saafar Hindiya waxay ahayd in Hindiyana ku yeelato Saafar Soomaaliya taasi oo fulisa arrimaha Soomaalidu Hindiya uga baahantahay, sida dalkugalka oo muhiim ah Soomaalida gaar ahaan dalkugalka Caafimaadka oo inta badan aad ugu dhibantahay helitaanka dal-ku-galka Caafimaadka taasi oo ay sababayso in la hoosgeeyo adeegyada dalku galka Soomaalidu u baahan tahay dalalka aan deriska nahay sida Kenya iyo Itoobiya, taasi oo dhib ku ah dadka xanuunsan ee caafimaad ahaan u tegi lahaa Hindiya inay galaan laba safar taasoo keensanaysa dhibaato caafimaad soo gaadho wakhtigaas taraagga labada jeer ah, waxa kale oo u dheer qofka kharaskha labada jeer oo laga yaabo inay u buuxin lahayd inuu ku helo caafimaadka. Bukaankii iyo eheladii ba waxa isugu darsama safar, xanuun, iyo kharash aad u farabadan.

Haddii aan soo qaado dhacdo aniga igu dhacday 2018-kii, oo aan dalkugal caafimaad u raadinayey AHU Aabbahay, waxaan ka shaqanayey Hay’ad Dowladeed oo ah Hay’adda Warbixinnada Maaliyada (FRC) fasaxna waxaa la ii oggolaa hal bil oo fasax ah, ugu horrayn waxa aan iskudayey anigoo Xamar shaqadayda ku jira inaan helo dalkugalka oo aan u diray Travel-Agency. Muddo bil ah markaan sugayay ayay ii suurtoobiwayday inay soo saaraan waxayna igu soo warceliyeen, inaan Nayroobi tago ma aha, ee inaanan helayn dalkugalka. Nasiibwanaag waxaa ii soo baxay dalkugal Kenya ah oo shir iyo Tabar aan ku lahayn Mombasa darteed naloogu soo saaray taasi oo haddii aan si gooni ah u dalban  lahaa dalkugalka Kenya igu gaadhi lahaa lacag dhan $700. Intaas kaddib shirkii iyo tababbarkii waxaan qaatay fasax kooban oo ahaa toban (10) cisho si aan u dalbado dalkugalka Hindiya, waxaase igu adkaatay inaan horay u helo. Sababtuna waxay ahayd Dhukumentiyo dheeri ah oo ay igu xidheen inaan ka helo Soomaaliya, waxa ayna taasi igu sii qaadatay bil iyo toban cisho, kadib markii aan soo helay dalkugalkana oo dib dalka ugu soo noqday Haayadda aan la shaqanayey ee Dowladeed waxay ii sheegeen in aan wakhtigaygii fasaxa ku soo qaatay Kenya, oo aanay ii hayn fasax kale oo aan Aabbo ku qaado hadii kale oo aan kamadax-adaygana ay ahayd inaan shaqada iskaga tago, waxayna Aabbo israaceen adeerkay AHU oo isna markaa da’a ahaa.

Waxaa kale oo jirtay wakhtiyo danbe oo dadka Soomaalida ah iyaga oo jooga dalkooda ay helijireen dalkugalka, iyada oo ay uga bixijirtay kharashaad u dhexeeya $650 ilaa $750 laakiin mar danbe xidhiidh dhexmaray Wasaaradda Arimaha Debedda ee Soomaaliya iyo Saafaradda waxa adkaatay sidii ay dadwaynaha ku helijireen dalkugalka caafimaad oo ay noqotay in la heliwaayo halka qof qof Wasaarada waraaqo looga qoro uun helijiray, dad isku dayey in sidaas oo kale Waraaqdaa Wasaaradda helaanna ay kala kulmeen iskadaba wareeg oo u badan qofka Wasaaradda qoritaanka waraaqda awoodda u leh marna maqan yahay marka kalena ku xidhayo qofka garanaya ama waxyaabo kale.

Xiligan aan joogno dalkugalka Hindiya waxaa laga soo wareejiyey Nairobi oo lagu soo wareejiyey Addis Ababa, waxaa na markale Soomaalidu kala kulmaan dhibkii labada safar iyo kharash ee gelayey dadka caafimaadka ugu socdaalaya Hindiya, waxaa na lagu khasbay qofkasta oo doonayaa in uu galo Itoobiyaa oo Saafarada Hindiya ee Addis ababa ku khasabto dadka in Passport ku leeyahay Gelid Itoobiya ah oo aanay siinayn qofku hadii aad u xanuunsan yahay oo qofkii qaadi lahaa tago Addis Ababa si uu ugu soo qaado dalkugalka.

Ugudanbayn, sida aad ka arki kartaan qoraalkayga waxaa qofkasta oo Soomaali ah oo u baahda dalkugalka Hindiya helitaankiisa ka maraan dhibaato iyo rafaad badan oo isugu jira Kharash, wakhti iyo safar aanay ku talo gelin, maadama qofka xanuunsanayaa, ee caafimaadka u baahanyahay inuu hore u gaadho halka uu caafimaadka ka heli lahaa sidoo kale qofka wadi lahaa qofka xanuunsan isna haysan wakhti fasax aan ku filayn, maadama ay dhibka intaa le’eg umarayaan muwaadiniinta Soomaalidu helida dalkugalka Hindiya, Inta badan Siyaasiyiinta ugakala danbeeya xilalka Dowladu in marba qolada joogtaa ay noo sheegto inay hagaajiyeen siyaasada arimaha debeda ay Soomaaliya la leedahay Wadamada kale ee xidhiidhku kala dhexeeyo hadaba meeday Dowladii metelaysay muwaadiniinta? Maxay madaxda Soomaalida ee metela dadka dhibaatadaasi haysato ula fadhiisan waayeen Dowladda Hindiya kala hadliwaayeen arrinkaas si Hindiya ay Safaarad buuxda uga furato Soomaaliya? Oo weliba miiska saaraan in dadka Soomaalidu faa’ida u wadaan Hindiya oo ay u tagaan Ganacsi, Caafimaad iyo Waxbarasho oo intuba dakhli soo gelinaya Hindiya, Hindiyana aanay ahayn dal sharci bixiya oo la iska dhiibo. Su’aalaha aan iswaydiiyey Jawaabtooda waxaan uga fadhinnaa Dowladda metesha muwaadiniinta Soomaaliyeed, ee dhibaatooyinka intaa le’eg u mara dalkugal keli ah.

Taariikh 30/1/2023

Soomaaliya, Muqdisho.

Maxamuud Xaamud Maxamuud (Badle)
[email protected]

Warbixintaan kama turjumeyso aragtida Goobjoog News waxa mas’uuliyadeeda iska leh qoraaga ku saxiixan.