U bood dhigaalka

Caro ka dhalatay wasiir ka tirsan Israel oo tagay Masjidka Al-aqsa

Sheeko:Amniga

Qaar kamid dalalka carabta iyo xoogaga iska caabinta bulshada xaq u dirirka ah ee Falastiin ayaa si adag u cambaareeyay go’aanka uu qayb kamid ah masjidka barakeysan ee Al-aqsa uu ku tagay wasiirka amniga Isreal.

Itamar Ben-Gvir oo ah wasiirka amniga xukuumadda Yahuudda ayaa subaxnimadii hore ee saaka booqasho ku tagay qayb kamid ah masjidka al-aqsa, waxaana taas ka dhalatay caro aad u fara badan.

Falastiin ayaa ku eedeysay in ay arinta mas’uuliyadeeda uu qaadayo ra’iisulwasaaraha xukuumadda Tel-aviv.

Dowladaha Sacuudiga, isu-tagga Imaaraadka Carabta, iyo Jordan ayaa si adag u cambaareyay dhankooda go’aanka uu ku tagay masjidka wasiirka amniga Israel.

Dhankiisa wasiir Ben Gvir, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa tweeter-ka ku sheegay in macbadka ay ugu yeeraan Temple Mount ay u furantahay qof waliba isla markaana aanay niyad jabin doonin hanjabaadaha ugu imanaya Xamaas.

Goobjoog News