U bood dhigaalka

Carruur Biyo La’aan Ugu Geeriyootay Gobalka Gedo

Sheeko:Amniga

Guddomiyaha degmada Luuq ee gobalka Gedo Cali Kediye Maxamed, ayaa sheegay in saacadihi la soo dhaafay carruur dhowr ah ay biyo la’aan ugu geeriyoodeen degmada Luuq.

Cali Kediya ayaa sidoo kale sheegay in maalmihi la soo dhafay afarta ku dhufatay gobalka ay sababtay in dad fara badan ay isaga barakcaan Degmada Luuq iyo deeganada kale ee hoostaga gobalka Gedo.

Gudoomiyaha ayaa xusay in carruur gaareysa seddax ay ku geerioodeen degmada Luuq duunya kalena ay ku dhamaadeen abaar xooggan oo ka jirta gobalka gedo.

“Dhimashadu waxa ay mareysaa saddex ruux, Dadkaan oo ah reer Miyi ayaa dhex kusoo dhintay, qoysaska degen inta u dhaxeysa Garbahaarey & Luuq waxaa heysa abaar daran oo saameyn xooggan ku reebtay Noloshooda, keliya waxa ay qoysaskaan u baahan yihiin gurmad degdeg ah” ayuu yiri Cali Kadiye.

Dhanka kale Cabdullahi Keynaan, oo ka mid ah dadka xoolaha ku dhaqda degmada Dhooley ee isla gobalka Gedo ayaa sheegay in todobaadyo yar gudahood uu ku waayay in kabadan 200 oo Lo’ uu lahaay aheyd kadib markii dhamaan ay ka dishay abaarta.

Qaramada Midoobay iyo dowladda Soomaaliya ayaa qoraal ay soo sareen uga digay xaaladda abaaraha ka taagan qeyba ka mid ah dalka in ay ka dhalan karta saameyn ballaaran.

Qoraalka Qaramada Midoobay iyo dowladda Soomaaliya ka soo baxay shalay ayaa lagu sheegay in 2.3 milyan oo qof oo ku dhaqan Soomaaliya ay wajahayaan xaalada nolol dari ah oo ka dhalatay abaarta gobala badan oo ka tirsan Soomaaliya ku dhufatay.

Goobjoog News