U bood dhigaalka

Carruur Gaajo iyo Haraad ugu Geeriyootay Deegaano Hoostaga Gobalka Gedo

Sheeko:Amniga

Wararka ay GoobJoog News  ka heleyso gobalka Gedo ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ay carruur ku sugan deegaano hoostaga Degmada Ceelwaaq ay gaajo ugu dhinteen halkaas.

Illa iyo hadda inta la xaqiijiyay 3 carruur ah ayaa Haraad iyo Gaajo ugu geeriyootay gudaha Gobalka Gedo ee Maamulka Jubbaland.

Deegaanka Cows Qurun oo hoostaga degmada Ceelwaaq ee gobalka Gedo ayaa waxaa ku geeriyoday Laba carruur oo walaalo , Halka mid kalena uu ku geeriyooday Gaajo deegaan hoostaga Degmada Ceelwaaq.

Deegaanada hoostaga Degmada Ceelwaaq ayaa waxaa 48 saac ee la soo dhaafay ka jirtay xaalad bini’aadanimo oo aad u liidata , iyadoo ay deegaanadaas ay gebi ahaanba ka maqan tahay Isgaarsiinta.

Qaar ka mid ah dadka degan deegaan hoostaga degmada Ceelwaaq oo la hadlay GoobJoog News  ayaa u sheegay in isgaarsiinta deeganada ay xaaladda adag ee dhanka bini’aadanimada ah ka jirto ay jareen ciidamo ka soo gudbay xadka Kenya .

Sikastaba xaallada Bini’aadanimo ee Gobalka Gedo ayaa maalmihii la soo dhaafay aad isku soo tareysay illa iyo haddana ma jirto deeq la gaarsiiyay shacabka deeganadaas.