U bood dhigaalka

Carte “Haloo Gurmado Dadka Abaarta Ku Hayso Gobollada Dalka”

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Dalka Maxamed Cumar Carte ayaa sheegay in abaaraha baahsan ee dalka ka jira kaliya looga hortagi karo iyadoo la iskaashaddo oo aan la sugin kaalmo dalal shisheeye ay nala soo gaaraan .

Xukuumadda , shacabka iyo cidkasta oo kaalin ka qaadan karta ayuu sheegay in looga baahan yahay inay isku arkaan in ay iyagu ka micno iyo waxtar badan yihiin caawin ka timaadda Dowlado shisheeye.

“Abaaro badan baa jira, waa in loo soo jeesto sidii wax looga qaban lahaa abaarahaasi, waa in iminka loo soo jeestaa sidii shacabka Soomaaliyeed ee abaartu ku hayaso gobollada dalka loo gaarsiin lahaa gurmad dhan walbo leh”

Dhanka kale Maxamed Cumar Carte oo ka hadlay arrimaha doorashooyinka wuxuuna sheegay in doorashooyinka aqalka hoose ee ka dhacay Muqdishu ay yihiin kuwo si waafaqsan dimuqraadiyadda u qabsoomay oo xalaal ah , taasina ay ka shaqaysay xukuumadda dalka sida uu yiri .

“Waxaan ku faraxsannahay in si nabad ah ay ku dhaceen doorashooyinka cabsi ma jirto, amaantaasi waxaa leh xukuumadda Soomaaliya oo dedaal badan ku bixisey sidii ay ku dhici lahaayeen doorashooyin”

Waxaa shalay  Muqdisho lagu doortay ilaa 6 Xildhibaan oo ka tirsan 46 xildhibaan ee laga sugayo Somaliland, ra’isul wasaare ku xigeenka iyo wasiirkii hore arrimaha dibadda ayaa ka mid noqdey xubnahaasi.

Goobjoog News