U bood dhigaalka

Carte “Waa Inaan La Nimaadnaa Ficillo Ka Tarjumaya Rabitaanka Dadka Soomaaliyeed”

Sheeko:Baarlamaanka

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna Xildhibaan katirsan Golaha Shacabka Maxamed Cumar Carteh ayaa hambalyo ku aadan furitaanka kala-fadhiga 1aad ee Baarlamaanka 10aad u diray dhamaan xubnaha labada Gole ee shalay la dhaariyay.

Carte oo kamid ahaa Xildhibaanada shalay lagu dhaariyey Muqdisho ayaa ku baraarujiyay dhamaan Xildhibaanada in ay ka dhabeeyaan ballanta ay ka qaadeen Alle.

“Hamblayo ayaan u dirayaa dhamaan Xubnaha labada Gole ee maanta kala-fadhiga 1aad ku kulmay, Waxa aan u dhaaranay danta dalka, dadka, adkaynta dawladnimada iyo diinta; waa in aan la nimaadnaa ficilo ka tarjumaya rabitaanka dadka Soomaaliyeed”.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka dalka ayaa sidoo kale sheegay in dhaarinta labada Gole ay tahay horumar laga gaadhay dawlad Soomaaliyeed oo hanaqaadda.

“Furitaanka kala-fadhiga 1aad waxa ay ka dhigantahay horumar iyo bisayl siyaasadeed oo ay gaadheen dadka Soomaaliyeed maadaama Xildhibaanada laga soo doortay Dowlad Goboleedyada, Ummadda Soomaaliyeed waxa ay naga sugayaan in aan yool ka dhigano horukac dhaqaale iyo mid amni oo dalku gaadhu”.

Ugu dambeyn, Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa ciidamada amniga, guddiyada doorashooyinka dadban ee heer fedeeral iyo heer dawlad goboleed, odayaasha dhaqanka, iyo ergooyinkii doorashada dadban ka qaybqaatay uga mahad celiyey sida fiican ee ay doorashooyinku si nabad ugu qabsoomeen.

Dhammaad