U bood dhigaalka

Caruur Badan Oo Cudurka Jadeecada Looga Talaalay Degmada Ceel-waaq Ee Gobalka Gedo (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Caruur badan ayaa degmada Ceel-waaq ee gobalka Gedo waxaa looga talaalay cudurka Jadeecadda, waxaana talaalkaan la gaarsiiyay sidoo kale deegaanada degmadaasi hoostaga.

Saraakiisha iyo howl wadeenada caafimaadka degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo  ayaa sheegay in ka badan ilaa Lix kun oo carruur ah oo da’doodu ay u dhaxeysa 15 Sano ilaa 1-Sano in ay ka tallaaleen cudurka Jadeecada oo maalmahii ugu dambeeyey Talaalkiisa uu ka socday gudaha degmada iyo Tuullooyinka hoos yimaada.

Axmed Maxamed oo ka mid ah Dhaqaatiirta Caafimaadka  ee Degmadaasi ayaa Goobjoog u sheegay in caruurta ku dhaqan deegaanadaan ay ka faa’ideysteen talaalkaasi.

Dhaqtarka ayaa sidoo kale sheegay in talaalkaan uu yahay ka hor tagista cudurka Jadeecada, isaga oo hadalkiisa intaa ku daray in dhawaan tuulooyin hoostaga degmada Ceel-waaq lagu arkay Jadeecada.

Fulinta barnaamijka tallaalka Jadeecada ee ka soconaya Ceel-waaq iyo Tuullooyinka hoos yimaada ayaa waxaa iska kaashaday Ururka Samafalka HDC ee fadhigiisu uu yahay Ceel-waaq iyo UNICEF, Waxaa mashruuca tallaalka fuliyay shaqaalo si tabarrucaad ah ku shaqeynayay oo gaaraya 72 qof.

Halkaan ka dhageyso.

Goobjoog News