U bood dhigaalka

Caruur Cudurka Jadeecada Ugu Geeriyootay Degmada Mahadaay Ee Shabellaha Dhexe

Sheeko:Caafimaadka

Maamulka degmada Mahadaay ee gobalka Shabellaha Dhexe ayaa sheegay in tira caruur ah ay cudurka Jadeecada ugu geeriyoodeen degmadaasi, iyo deegaanno kale oo degmada ku dhaw.

Xaaji Fuleyn oo ah gudoomiye ku xgeenka arimaha bulshada ee degmada Mahadaay ayaa isaga oo u waramay Goobjoog News, waxa uu sheegay in xanuunkaan meesha ugu daran tahay Tuulada Xudur Ciise oo qiyaas ahaan 3 Kiilo Mitir u jirta degmada Mahadaay.

Waxa uu sheegay gudoomiye ku xigeenka in Seddax Caruur ah ay u geeriyootay cudurkaasi, sidoo kalena ay jiraan caruur badan oo cudurkaasi la il daran.

“Cudurkaan hadda Tuuladana Xudur Ciise ayaa ugu daran, caruur ayuu dilay, kuwo kale waa dhul jiif, degmada xitaa waa uu ka jiraa cudurkaan, dadkana Isbitaalka degmada Mahadaay ayaa la keenayaa” ayuu yiri gudoomiye ku xigeenka.

Dhinaca kale Xaaji Fuleyn ayaa sheegay in wax dawo ah aysan yaallin Isbitaalkaasi, waxaana uu ku baaqay in dawo degdeg ah Isbitaalkaasi lala gaaro.

Goobjoog News