U bood dhigaalka

Caruur Cudurka Shuban Biyoodka Ugu Geeriyootay Kismaayo

Sheeko:Dalka

Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose, ayaa waxay sheegayana in halkaasi uu ka jiro cudurka Shuban Biyoodka iyadoo caruur ay u geeriyoodeen cudurkaasi.

Seddax caruur ah ayaa la sheegay inay ku dhinteen Isbitaalka magaalada Kismaayo ka dib cudurka shubanka oo helay, laguna daaweynaye Isbitaalkaasi.

Agaasimaha Isbitaalka magaalada Kismaayo Xuseen Sheekh Qaasim ayaa u sheegay Goobjoog News, in sidoo kale Isbitaalkaasi ay ku jiraan dad gaaraya 20, uuna hayo cudurka shuban biyoodka ah.

“Saacad walba canug ama Laba ayaa la keenayaa oo uu hayo cudurka Shubanka, qaarkood waxay u baahan yihiin in isbitaalka la seexiyo, halka kuwo kalena aanu cudurka mid fog ku ahayn, Seddax qof ayaa Isbitaalka ku dhimatay, waxaa hadda jiifa dad ka badan 20” ayuu yiri agaasimaha.

Ugu dambeyn ayuu sheegay Agaasimaha Isbitaalka magaalada Kismaayo in ay u baahnaan lahaayeen in loo soo badiyo dawooyinka fuuq celinta iyo sidoo kale wax walba oo ku aadan la tacaalidda bukaanka qaba cudurka Shuban Biyoodka.

Goobjoog News