U bood dhigaalka

Caruur dan yar ah oo ka cabanaya inaysan haysan dhar ay ku ciidaan

Sheeko:War

Xilli waqti aad u kooban ay inooga harsan tahay Maalinta   ciidul Fidriga ayaa caruurta ka soo jeeda Qoysaska dan yarta ee ku nool Xeryaha Barakacyaasha ee Magaalada Muqdisho ayaa ka cabanaya helid la’aanta dharkii ay ku ciidi lahayeen.

Caruurtan ayaa niyad ahaan faraxsan , waxa ayna ku rajo wayn yihiin in ay ka qayb qaataan Maalinta farxada badan ee ciidul fidriga, inkastoo hadii aanu helin wax gurmad ah aysan ciidi doonin.Sababtoo ah Waalidiinta caruurtaas ma shaqeeyaan, oo Nolol maalmeedkooda ayay la daalaa dhacayaan.

Qaar ka tirsan hay’adaha sama falka sida Bisha Cas ee Imaaraadka carabta,  dowladda Qadar iyo kuwa kale ayaa deeqo kala duwan oo ay ka mid yihiin raashin gaarsiiya tiro xadidan oo kamid ah barakacayaasha iyo dan yarta ku nool xeryaha qaxootiga ee ku yaalla gudaha Muqdisho.

Wariyaha Goobjoog FM Munasar Maxamed Cabdi ayaa dhax tagay xero barkac oo ku taalla Nawaaxiga Taalada Sayidka, warbixinna ka diyaariyay.