U bood dhigaalka

Caruur Ku Geeriyootay Qarax Miino Oo Maanta Ka Dhacay Magaalada Kismaayo

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee gobalka Jubbada Hoose, ayaa waxay sheegayaan in qarax Miino uu ka dhacay goob maqaayad ah oo ku taallay magaaladaasi, halkaasi oo ay ka dhalatay Khasaare Dhimasho iyo dhaawac Isugu jirta.

Miinadaan oo ahayd nooca dhulka lagu aaso ayaa la sheegay in ay ku dhinteen Laba Caruur ah oo isla dhashay, waxaana sidoo kale halkaasi ku dhaawacmay caruurtaasi Aabahood iyo Seddax qof kale.

Dadka dhaawacmay waxaa la sheegay in uu ka mid ahaa sarkaal ka tirsan ciidamada Jubbaland balse magaciisa nalooma xaqiijin.

Qof ku sugan magaalada Kismaayo oo sababo amni magaciisa u qariyay ayaa Goobjoog News u xaqiijiyay in maqaayadda la qarxiyay ay ku dhaw dahay xaruntii dhawaan lagu caleema saaray madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe)

Ciidamada Jubbaland oo qaraxa ka dib halkaasi tagay ayaa wada baaritaanno ay ku ogaanayaan cidda Miinadaasi halkaasi ku aastay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News