U bood dhigaalka

Caruur macluul ugu geeriyootay gobolka Gedo

Sheeko:War

Maamulka  dowlada ee gobolka Gedo ayaa sheegay in ay gobolka ka jirto xaalad bani’aadanimo, isagoo sheegay in ay  abaaraha ka jira gobolkaasi u dhinteen tiro dad ah.

Guddoomiye ku xigeenka  Gedo Cabdi Bare Cabdi  oo Goob Joog FM u waramay ayaa sheegay in qoysas badan aysan haysan baad iyo biyo, taasi oo sida uu yiri sabab u noqotay dhimashada ilaa 6 qof oo ah caruur iyo dad da’ ah oo ku sugnaa  degmooyinka Buurdhuubo iyo Garbahareey.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa dowladda Soomaaliya ugu baaqay in degmooyinka  gobolka Gedo  ay  la soo gaarto gurmad deg- deg ah ka hor inta aanay xaaladdu  faraha ka bixin.

Wuxuu sidoo kale codsi u jeediyey dadka Soomaaliyeed ee ku nool gudaha  iyo dibada dalka  in ay soo gar-gaaraan shacabka ku dhibaataysan  Gedo.

Deegaano hoos taga  gobolka Gedo ayay  muddooyinkii u  dambeeyay  ka jireen  cunno iyo biyo yari, taas oo qayb ka ah abaaraha ka taagan  guud ahaan gobolada Koonfurta iyo bartamaha soomaaliya.