U bood dhigaalka

Caruur Soomaali ah oo waxyeelo kasoo gaartay dab ka kacay dalka Sacuudiga (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Sadax Caruur ah ayaa lagu soo waramayaa in waxyeelo ay ka soo gaartay dab xoogan oo dhawaan ka kacay xaafad Soomaalida ay ku badan tahay ee Dalka Sacuudiga.

Dabka ayaa sidoo kale waxa ku waxyeeloobay wiil dhalinyar oo ku sugnaa halka uu dabka kacay sida ay sheegeen dadka halkaasi ku sugan.

Gurmad ay sameyeen Soomaalida Sacuudiga iyo kooxaha la dagaalanka dbka ayaa suurta gelisay in lagu guuleysto daminta dabkaan, waxaana goob caafimaad loola cararay caruurtii ay waxyeelada soo gaartay.

Maxamed Cabdirisaaq oo ka mid Soomaalida ku sugan dalka Sacuudiga, goobjoogna ka ahaa dabkaasi ayaa inoo sheegay in ay bas beeshay hoy ay halkaasi ka deganaayeen dad Soomaali ah.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News