U bood dhigaalka

Caruur La Xanuunsan Cudurka Shuban Biyoodka Oo La Dhigay Isbitaalka Banaadir (Sawirro)

Sheeko:Caafimaadka

Ugu yaraan Labaatan Carruur ah ayaa Afar iyo Labaatankii saac ee lasoo dhaafay la dhigay Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir kuwaas oo dhammaantood uu soo ritay cudurka shuban biyoodka.

Isku cel celis ahaan todobaadkii lasoo dhaafay oo kaliya waxaa Isbitaalka la geeyey 80 carruur ah, iyadoo Labo ka mid carruurtaasi ay ku geeriyoodeen gudaha Isbitaalka.

Inta badan carruurtaasi uu shubanku soo ritay waxaa laga kala keenay qaar ka mid ah xaafadaha magaalada Muqdisho.

Cali Cumareey Shaan waa Laba sano jir uu soo ritay cudurka shuban biyoodka, wuxuu ka mid yahay carruurta Afar iyo Labaatankii saac ee lasoo dhaafay la dhigay Isbitaalka Banaadir, si daryeel caafimaad ay u helaan.

Hooyo Muumino C/raxmaan oo dhashay Cali ayaa Idaacadda Goobjoog uga warbixisay sida ay tahay xaaladda Wiilkaasi yar iyo goorta uu shubanku ku dhacay.

Habeen Hore ayuu dhowr jeer shubmay ka dibna wuu matagay, waxyar ka dibna dhulka ayuu ku dhacay, markaas ka dib ayaan Isbitaalka keenay, hadda wuu roonyahay ilaah mahadiis” Ayay tiri Hooyo Muumino oo la hadleysay Goobjoog News.

Sidoo kale hooyo Raxmo xasan ayaa ka warrameysa xaaladda gabar yar oo ay dhashay oo uu shuban biyoodku soo ritay iyadoo Sheegtay in wax xoogaa hadda isbedel wanaagsan ay ka dareemeyso xaaladda caafimaad ee gabadheeda oo markii hore aad u liidatay maadaama ay Isbitaalka ka heleen gurmad caafimaad oo wanaagsan.

“Hadda xaaladdeeda aad ayay u wanaagsan tahay marka loo eego sidii ay xalay aheyd” hooyo raxmo ayaa tiri.

Carruurta qaar wax ka badan Hal jeer ayuu cudurku kusoo noqday isla todobaad gudihiisa sababo la xiriira daryeelkii caafimaad ee loo baahnaa oo aan bukaanka la haleelsiin, taas oo ku imaaneysa Baraarugga iyo wacyiga caafimaad ee dadka qaar oo weli hooseeya.

Maxamed cabdi waa Aabe Isbitaalka ku haya wiil yar oo uu dhalay, waxa uu radio Goobjoog u sheegay in markii Labaad ay tahay oo uu shuban ku dhaco Wiilkiisa.

Isbitaalka Hooyada iyo dhallaanka ee Banaadir waa mid ka mid ah xarumaha caafimaad ee ugu ballaaran magaalada Muqdisho, islamarkaana lagu qaabilo carruurta iyo haweenka.

Qeybta Caruurta gaar ahaan Halka la dhigo carruurta uu shubanku soo ritay todobaadyadii ugu dambeeyey aad ayay mashquul u aheyd sababtoo ah waxaa soo kordhay tirada carruurta uu shubanku haleelay ee Isbitaalka la seexinayo, sida ay Goobjoog u sheegtay Drs. Luul Maxamed Maxamuud oo ah Madaxa Qeybta Carruurta ee Isbitaalka Banaadir.

Todobaadkan oo kaliya ugu yaraan Laba carruur ah ayaa gudaha cusbitaalka ugu geeriyootay shuban biyoodka, ka dib markii Isbitaalka la keenay iyaga oo aad u il daran, sababtuna waxay tahay Dadka qaar oo fududeysta halista cudurka isla markaana aan si deg-deg ah ku geynin Xarrumaha caafimaadka ee la tacaali kara Xaaladda Bukaanka uu soo ritay shubanka, sida ay mar kale Xaqiijisay Drs. Luul Maxamed Maxamuud.

Qoysaska Qaar oo ay ugu badan yihiin kuwa ku nool xeryaha lagu soo barakacay ee ku yaalla xaafadaha iyo duleedyada magaalada Muqdisho ayaa mararka qaar caba ama si kale u isticmaala biyo aan nadiif aheyn gaar ahaan xilliyada ay roobabku da’aan, taasoo sahleysa in cudurka shubanka iyo kuwo kaleba si fudud ku faafaan, Drs Luul Maxamed Maxamuud ayaa ku talineysa in dadku ay taxadar iyo feejignaan dheeri ah ka sameeyaan xaaladaha qaar oo caafimaad dari abuuri kara.

“Dadku waa in ay goor hore lasoo cararaan bukaanka marka shuban saa’id ah lagu arko oo la keenaa xarrumaha caafimaadka, laakiin haddii guriga lagu hayo oo isagoo aad u liita la keeno way Adkaan kartaa in wax laga qabto Xaaladdiisa caafimaad darro” Ayey tiri Drs. Luul.

Dadka qaar Gaar ahaan kuwa ku jira xeryaha lagu soo barakacay ee magaalada ayaa u baahan wacyi gelin iyo baraarujin caafimaad si ay dadku u sameeyaan ka hortag iyo taxadar dheeri ah, taas oo wax badan ka wanaagsan in daweyn iyo baxnaanin loo raadiyo bukaanka marka uu cudurku soo rito ka dib.

DSC05814 DSC05817 DSC05818 DSC05820 DSC05823 DSC05824 DSC05825 DSC05827 DSC05828 DSC05830 DSC05834 DSC05836 DSC05838 DSC05842

W/D: Aweys Xaaji Nuur (Aar)

Sawir-qaade: Maxamed Xuseen (Qalinle).

Goobjoog News.