U bood dhigaalka

Caruur Waxyeello Ka Soo Gaartay Walxaha Qarxa Degmada Deyniile

Sheeko:Amniga

Waxaa warar dheeraad ah ay ka soo baxayaan qarax ka dhacay degmada Deyniile oo ay ku waxyeeloobeen caruur wada dhashay ka dib markii ay ku ciyaareen aalad qaraxda.

Qaraxa ayaa yimid ka yimid ka dib caruurta ay ku ciyaareen aalad qaraxda oo ay ka heleen meel aan sidaas uga fogeyn gurigooda caruurta ayaana garaacay taas oo qaraxa dhalisay.

Waxaa geeriyooday hal wiil  waxaana dhaawac ka soo gaaray labo gabdhood oo la dhalatay wiilka ayaa magaciisa lagu shrrgay Cabdullaahi Macalim Aadan Maxamuud oo sagaal sano jir ah.

Degmada Deyniile ayaa inta badan waxaa ka dhaca qaraxyada nuucaan ah  maadaama ay degmada weli ay ku dambeeyaan haraadiha walxaha qarxa, degmada ayaana inta badanaa fariisn u aheyd ciidamada xoogga dalka.

Goobjoog News