U bood dhigaalka

Caruur Waxyeello Kasoo Gaartay Miino Kula Qaraxday Duleedka Degmada Baladweyne

Sheeko:Amniga

Wararka gana soo gaaro gobolka HIiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in duleedka degmada Baladweyne ay miino kula qaraxday carruun walaalo ah, kuwaas oo kasoo baxay dugsi Qur’aan, waxaana qaraxa ka dhashay waxyeello soo gaartay carruunta, tirada caruurta ayaa ah sedex , iyadoo uu geeriyooday mid kamid ah, halka  uu dhaawac soo gaaray laba kale.

Miir-caddo oo qiyaastii 45 Km dhanka Koofur bari ka jira magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay tahay goobta ay musiibadu ku qabsatay caruurta, qaraxa ayaa ahaa miino dhulka lagu aasay, gaar ahaan kuwa culeyska ku qarxa, mid kamid ah caruurta ayaa ku istaagay taas oo keentay in ay qarax, waxaana waxyeelo kasoo gaartay carruunta.

“Al Shabaab ayaa muddooyinkii dambe gobolada Hiiraan iyo Galgaduud ka waday in wadooyinka Miinooyin u geliyaan dadka shacabka ah ama ay jidka u galaan dadka safarka ah, si ay u dhibaateeyaan maadaama ay u bareeri waayeen in ay ka hortagaan weerarada dadka deegaanka oo garabsanaya ciidanka xoogga dalka ayaa lagu yiri” War kasoo baxay Maamulka Magaalada Beledweyne.

Al-shabaab ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay deegaanno ka tirsan gobolka HIiraan qaraxyo miinooyin ah kula eegtay ciidanka xoogga dalka, waxaana mararka qaar qaraxyadaas ay waxyeello kasoo gaartaa dad shacab ah, sida ku dhacday sedexdaan carruur ee walaalaha, kuwaas oo la kulmay qaraxa iyagoo ka yimid dugsi Qu’aan ay dhigan jireen.

Goobjoog News