U bood dhigaalka

Caruurta Degmada Baardheere oo 7 sanno Ka dib Laga Talaalay Cudurka Dabeysha

Sheeko:Caafimaadka

Saraakiisha caafimaadka hay’adda WHO ee degmada Baardheere  ayaa sheegay in 23-kun oo carruur ah oo da’doodu ka yartahay 5 sano ay ka tallaaleen maalmahii ugu dambeeyey  cudurka dabeysha, iyadoo 7-dii sanno ee ugu dambeysayna aanan wax talaal ah laga fulinin degmada Baardheere iyo deegaanada hoos yimaada.

Maxamed Cali oo ka mid ah Howl wadeenada Hay,adda WHO ee degmada Baardheere ayaa Goobjoog News u sheegay in caruurta ku nool gudaha Degmada iyo qaar ka mid ah Tuullooyinka hoos yimaada degmada oo da’doodu ka yartahay  5-ta sano ay ka faa’idaysteen tallaalka ,isagoo intaasina ku darey in howsha fulinta tallaalka ee degmadu ay qeyb ka tahay ololaha looga hortago cudurka Dabeysha.

“Todoba Sano ka dib ayeey caruurta degmada Baardheere heleen tallaalka cudurka Dabaysha, waxaana ka faa’ideystay caruurta da’doodu ka yartahay 5-ta Sano” ayuu yuru Maxamed Cali.

Fulinta barnaamijka tallaalka Dabeysha looga hortago ee degmada Baardheere  ayaa waxaa iska kaashaday Hay’adda Caafimaada Adduunka ee WHO iyo UNICEF, Waxaa mashruuca fulinayey shaqaallo gaarayey ilaa 120 qof oo ka kala  yimid gudaha degmada iyo qaar ka mid ah Tuullooyinka hoos yimaada.

Goobjoog News