U bood dhigaalka

Caruurta Degmada Buurdhuubo Ee Gedo Oo Qaatay Taalalka Cudurka Jadeecada

Sheeko:Dalka

Hay’adda caafimaadka Aduunka ee WHO ayaa Afar sano kadib ku guuleysatay in Caruurta ku dhaqan degmada Buurdhuubo ee gobalka Gedo ay ka talaasho Cudurka Jadeecada.

Saraakiisha caafimaadka ee hay’adda WHO ee degmada Buurdhuubo ee ayaa waxay sheegeen in talaalkani ay degmadaasi ka ka wadeen 4-tii maalmood ee ugu dambeeyey.

Talaalka Cudurka Jadeecada ee laga waday degmadaasi iyo Qaar ka mid ah Tuulooyinka hoos yimaada ayaa lagu guuleystay in la talaalo 8-kun oo caruur ah oo da’dooda ka yar tahay 9-sano.

Afartii Sano ee ugu dambeysay ayaa wax talaal ah laga fulinin degmada Buurdhuubo iyo deegaanada hoos yimaada.

Cali Maxamed Xuseen oo ah Madaxa Hay’adda WHO ee degmada Buurdhuubo ayaa Goobjoog News u sheegay in caruurta ku nool gudaha Degmada iyo qaar ka mid ah Tuullooyinka hoos yimaada oo da’doodu ay u dhaxeyso 9bilood ilaa 9 sanno ay ka faa’ideysteen talaalkaasi.

Sidoo kale mas’uulkaan ayaa tilmaamay in howsha fulinta tallaalka ee degmadu ay qeyb ka tahay ololaha looga hortago cudurka Jadeecada.

Goobjoog News