U bood dhigaalka

Caruurta Dhibka Badan yaraanta, Waa Dadka Guuleysta Marka ay Weynaadaan

Daraasad ay sameeyeen culimo u dhashay dalka Ingiriiska ayaa waxaa lagu ogaaday in caruurta madaxa adag, oo dhibka badan marka ay yar yihiin ay ka fiican yihiin, kana guuleysi badan yihiin caruurta Masaakiinta ah.

Culimada ayaa daraasad waxaa ay ku sameeyeen caruurta iyagu jira 12 sano, waxaa mar kale daraasaddii la sameeyay 40 sano kadib isla caruurtii, si loo ogaado isbadlka dhacay.

Xiligan dambe waxaa ay jireen ilaa 52 sano, daraasadda waxaa lagu ogaaday caruurtii markii ay yaraaneen dhibka badnaa in ay heer sare ka gaareen nolosha marka loo eego caruurtoo jilicsanaa ama masaakiinta ahaa.

Arrinta la yaabka leh ee daraasadan ku jirta, caruurtan ay leeyihiin Guul ayey nolosha ka gaareen waa Caruurtii markii ay yaraayeen aan shaqada waalidka ama midda iskuulka aan si fiican u qaban.

Waxaa kaloo jirtay in Caruurta ay ka dhib badan yihiin caruurta caadiga, waa ka sheegta dariska, waxaa ka sheegta waalidka iyo Macalimiinta, marar qaar waxaa ay sameeyaan arrimo ku cusub bulshada.

Culimada ayaa ku doodaya in caruurta sidaa ah laga yaabo in ay arrintaas ka qaadaan kalsooni iyo hal-abuur, taasina ay keentay in ay shaqada iyo meelo badan uga fiicnaadaan caruurta Masaakiinta ah ee jiljilcan.