U bood dhigaalka

Caruurta Qoysas Ka soo Qaxay Sabiib iyo Caanoole Oo Qaarkood u Dhintay Shuban Biyood

Sheeko:Dalka

Qoysas dhowaan ka soo barakacay deegaannada Sabiib iyo Caanoole Gobalka Shabeelaha Hoose  oo soo gaaray dagmada Kaxda ee gobalka Banaadir kaam ku yaala waaxda 3aad ayaa ka cabanaya xanuuo faro ba’an ku haya iyo noloshooda oo aad u adag.

Maxamed  Aweys oo  mid ka mid ah dadka ka soo barakacay deegaanka sabiib  oo Goobjoog News la hadlay  ayaa sheegay ilaa hadda dhowr caruur ah  inay u dhinteen tiro kala ay la liitaan xanuunka shuban biyoodka oo ka dilaacay kaamka ay ku nool yihiin.

“Waxaan  nahay dad baracayaal ah oo dhibaataysan, ilmaha dhan shuban biyood ayaa nooga dhacay, ilaa hadda  7 caruura ayaa geeriyoo tiro kalana oo 11 caruurana waxa  loo qaaday isbitaalka Banaadir kuwana ayagoo xanuusan ayeey joogaan xaafadaha”

Maxamed oo hadalkiisa sii wato waxa uu sheegay xanuunnada inay sababeen dadka oo ahaa dad dhowaan ka soo barakacay deegaanada Sabiib iyo Caanoole kuwaas oo lug ku soo gaaray ilaa Muqdisho.

“Dadkaan waxa ay ahaayeen dad soo barakacay deegaanada Sabiib iyo Caanoole ee gobalka shabeelaha hoose, waxa ay ku soo careen qorax, baahi iyo ayaga oo aan helin daryeel markii ay yimaadeen dagmada kaxda, taas ayaana sababtay in dadkaan ay la kulmaan xanuunka shuban biyoodka”

Sidoo kale kale Maxamed ayaa sheegay in kaamka hadda  uu ku sii faafayo xanuunka shubanka haddii aan la helin gargaar degdeg ah waxa uuna xusay inuu xanuunkaan awal uuna horay uga jirin Kaamka , welina ayna helin wax gargaar  shacabka ama hay’ad ahada samafal mise dowladdeed ah.

“Waa mid hadda ku faafaya awal hoay ugama jirin kaamka kuleelka dagka ay ku yimaadeen iyo isbadalka deegaanka ayaa sababay ayaan oran karaa, majiro anaga dad nacaawiyay maxaa yeelay annaga maba kala naqaano dadka oo deegaanka waan ku cusub nahay”

Dhanka   kale Maxamed Aweys ayaa xusay in qoysaskaan magaalada ay joogaan sideed casho dadkuna ayna haysan hoy wanaagsan xanuuna uu dheer  dadnkana lagu hayo geedaha hoostooda.

“Waxaan joognaa sideed casho, dadka noloshoodana aad ayeey u liidataa waxaa haya xanuunka shubanka gargaar majiro  dadkana waxaa lagu hayaa geedaha hoostooda ilaa hadda ma garanayno cid noo maqan”

Ugu danbeen dadkaan ayaan ka codsaday in maamulka gobalka Banaadir iyo kan dagmadaba ay ka codsanayaan in si dagdag ah loola soo gaaro garaar iyo  dawo.

“ waxaan ka codsanaynaa maamulka gobalka iyo kan dagmada gargaar dagdag ah nalala soo gaaro waxa meeshaan ku rafaadsan waa shacab dowladda ayadaana mas’uul ka ah shacabkaan oo ay sugaayaan”

Goobjoog News