U bood dhigaalka

Caruurtii Mashruuca Aada Dugsiyada Oo Dib Ugu Laabtay Suuqayadii Ay Ku Dayacnaayeen

Sheeko:Dalka

Mashruucii Aad Dugsiyada oo istaagay Wuxuu Carruur badan dib ugu Celiyey Suuqyadii ay ku Dayacnaayeen.

Waxa uu dib ugu soo laabtay shaqadii gaari dhaqista, si uu u kabo nolosha qoyskiisa, Liibaan Axmed Xasan wuxuu hadda howshan gaari dhaqista wadaa tan iyo sideeddii bilood ee ugu dambeysay, ka dib markii uu si kadis ah uga haray waxbarashadii iskuulka.

Halkan waa meel u dhow xeebta Liido oo baabuurta la dhigto waxay noqotay saldhigiisa shaqada Tan iyo Muddadaasi Sideedda Bil ah.

Liibaan waxa uu ka mid yahay Carruurta ay tiradoodu sii kordheyso ee ku nool Magaalada Muqdisho kuwaasi oo aan heysan nolol qurxoon iyo fursad waxbarasho.

Bishii February ee sanadkan ayuu Liibaan joojiyey waxbarashadii uu ka heystay dugsiga hoose ee Iqra ka dib markii iskuulka iyo iskuulo kale oo magaalada ku yaalla ay wadi waayeen mashruucii waxbarashada bilaashka ee AADA DUGSIYADA.

Maadaama Liibaan qoyskiisu aysan awoodin bixinta qarashka waxbarashada ayay wiilkooda ku waafaqeen go’aanka ah in uu iskuulka ka haro isla markaana dib ugu laabto howshiisa Baabuur dhaqidda, sida uu Radio Goobjoog u sharraxayo Axmed Xasan Aadan oo ah aabaha dhalay Liibaan.

Go’aan qaadashadaasi waxay Liibaan ku aheyd mid ay duruuftu ku riixday balse uusan gaarin isaga oo ku qanacsan.

Dugsiga Hoose dhexe iyo Sare ee Iqra oo ku yaalla Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir, waa dugsigii uu Liibaan ku dhigan jiray sida bilaashka aheyd balse uu ka haray markii uu sii socon waayey mashruucii Aada Dugisyada ee fursadda u siiyay in uu waxbarashada ku biiro.

Kaliya hadda waxaa iskuulka dhigta Carruurta ay qoysaskoodu kari karaan in ay ilmahooda ka bixiyaan qarashaadka waxbarashada ku baxaya.

Maxamed Cukaash Rubaan Maamulaha Dugsiga Iqra ayaa sidoo kale aaminsan in sabab dhaqaale ay tahay tan ugu weyn ee keentay in uu intiisa badan istaago Mashruucii aadaa dugsiyada.

“Wax walba waxay ku socdaan ayaa jira oo haddii la waayo ay istaagayaan, sidaas daraadeed dhaqaalihii iyo qarashkii aan wax ku wadi lahayn ayaa istaagay”

Mashruuca “Aada Dugsiyada” waa fikrad markii  hore ka timid wasaaraddii horumarinta iyo adeega bulshada.

Seddaxda Sano oo ka billaabaneysay bishii September ee sanadkii 2013-kii ayuu qorshuhu ahaa in inkabadan hal Milyan oo carruur Soomaali ah ay helaan fursad dhab ah oo ay dib ugu bilaabayaan isla markaana ku helayaan waxbarasho lacag la’aan ah Mudo 20-sano kadib, Hayeeshee sidii la Qorsheeyey wax uma hirgelin.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare oo la hadlay Goobjoog ayaa sheegay in caqabadda uu la istaagay mashruuca intiisa badan uu yahay in marka horeba si laab lakac ah uu ku bilowday iyadoo aan la xaqiijin sida lagu meel marin karo.

Mashruca aada dugsiyada oo intiisa badan joogsaday wuxuu mustaqbalkooda god mugdi ah gelinayaa carruur badan oo sida Liibaan iyo saaxiibadiis oo kale ah, taasoo sidoo kale dhabarjab ku ah Bulshada ay ku dhexnool yihiin sida uu qabo Dr. C/laahi Maxamed Isxaaq oo ah aqoonyahan Muqdisho ku nool.

Dr. C/laahi Maxamed Isxaaq ayaa aaminsan in habka ugu sahlan ee dib loogu soo celin karo mashruuca uu yahay in wasaaraddu ay dib u habeyn ku sameyso mashruuca isla markaana qiimeysa oo dib u baarto waxyaabihii keenay in mashruucu uu sidii la rabay meel mar u noqon waayo, sababta mashruuca dib loo dardargelinayana tahay ayadoo la bad-baadinayo Mustaqbalka Carruur badan oo Soomaaliyeed oo aan qoysaskoodu awoodi Karin bixinta qarashaadka waxbarashada.

Sida la aaminsan yahay Habka ugu fiican uguna haboon ee faqriga iyo sinaan la’aanta lagu yareen karo ayaa ah in la maalgaliyo waxbarida caruurta iyo dhalin yarada.

Sidaas daraadeed in waxbarasho lacag la’aan ah la helo ayaa xal u ah carruur badan oo maanta suuqyada ku dayacan lagana yaabo in mustaqbalka ay bulshada ku noqdaan culeys uu adkaan doono sida lagu xaliyo.

W/D: Aweys Xaaji Nuur (Aweys Aar)

Goobjoog News