Carwada Buugaagta ee Hargeisa ayaa si habsami ah waxaa uu bandhiggeeda 9-aad uga socdaa magaalada Hargeisa ee xarunta maamulka Somaliland.
Carwadan oo gashay maalintii 3-aad ayaa waxaa looga hadlayaa garsoorka iyo dhaqan gelinta cadaaladda, waxaa halkaas ka hadlay guddoomiyaha maxmadda sare Aden Xaaji Cali Axmed, ururrada qareennada Somaliland, waxaa lagu dheeraaday halka ay mareyso cadaaladda somaliland.
Abwaanno, qoraayaal, Diblomaasiyiin iyo dadka xiiseeya buugaagta ayaa ku sugan xarunta bandhigga, waxaa dadka ka qeyb galay ka mid ah: safiirka midowga Yurub ee Soomaaliya, safiirka Koofur Afrika ee Eritrea, safiir ku xigeenka Ingiriiska u fadhida Adis Ababa iyo Wasiirro iyo siyiisiyiin ka tirsan maamulka Somaliland.
Xarunta dhaqanka Hargeisa oo hoos tagta hey’adda Red Sea waxaa sanad walba lagu maamuusaa qalinleyda Soomaaliya, waxaana lagu bandhigaa Buugaag aad u badan oo ka hadlaya dhinacyo kala duwan.
Carwada waxaa ku sugan martida 18 dal oo ka kala socda Mareykanka, Yurub iyo Asia, sanad walba waxaa lagu sharfaa martiqaadka waddan, sanadkan waxaa lagu sharfay Ghana , waxaa dalalkii lagu sharfay sanadihii hore ka mid ahaa Malawi iyo Nigeria.
Dalalka Afrika ee Carwada ku sugan waxaa ka mid ah Ghana, Nigeria, Koofurta Afrika, Kenya, Itoobiya iyo dalalka kale.
Hal-ku-dhegga sanadka waa “Hal abuurka iyo hodaanka” waxaana laga hadlay haweenka iyo hal-abuurka iyo hogaaminta, Horumarka caalamiga, xiriirka caalamiga iyo hogaaminta Islaamiga ah.
Waxaa goobta carwada sidoo kale ka socda ciyaar dhaqameed ay soo bandhigayaan degmooyinka iyo gobollada maamulka Somaliland.
Carwadan oo socon doonta 7 maalin waxa lagu soo badhigay buugaag 5,000 ka badan oo mawduucyo kala duwan laga qoray.
Sanadkii hore waxaa carwo sidoo kale lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana hadda la hadal hayaa in lagu qabto Garoowe, Kismaayo iyo meelo kale.
Cumar Serbiya, Goobjoog, Hargeisa.
Goobjoog News