Carwadii 9-aad Ee Buugaagta Oo Hargeysa Laga Furay (Sawirro)

Magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland ayaa laga furay carwadii 9-aad ee Buugaagta, halkaasi oo buugaag badan lagu soo bandhigay.
Carwadan oo ay kasoo qeybgaleen dadyow kala duwan oo isugu jira Soomaali iyo kuwa aan Soomaali ahayn, qorayaal Soomaaliyeed iyo hal-abuuro kala duwan waxay soconeysaa 7-maalmood, waxaana ay furmaysaa subixii 8-da illaa 5-ta galabnimo.
Waxaa halkaasi laga soo jeediniyaa khudbado kala duwan oo la xiriira faa’idooyinka kala duwan ee akhrisku leeyahay nuxurka ku duugan buugaagta halkaasi lagu soo bandhigay iyo arrimo kale.
Carwadan oo shalay furantay waxaa ka hadlay mas’uuliyiin kala duwan iyo qorayaal halkaasi kusoo bandhigay buugaagtooda.
Abwaan Saciid Saalax oo in ka badan 50 sano ahaa barre Afka Soomaaliga iyo dhaqanka islamarkaasna ah abwaan suugaantiisa caan ka dhex tahay Soomaalida ayaa ka sheekeeyay macallinimada iyo doorka ay ka qaadato hoggaaminta wanaagsan.
Abwaanka ayaa sheegay in faa’ido badan ay leedahay carwadan islamarkaana dadka Soomaaliyeed ay wax badan ka faa’idi doonaan.
Waxaa halkaasi lagu soo bandhigay ciyaar dhaqameed iyo heeso wadani ah, iyadoo dadkii halkaasi isugu yimid ay aad uga heleen ciyaarahaasi hidaha iyo dhaqanka ah.
Carwadan oo socon doonta 7 maalin waxa lagu soo badhigay buugaag 5,000 ka badan oo mawduucyo kala duwan laga qoray.
Hoos ka arag sawirada
Goobjoog News