U bood dhigaalka

Cashirrada Laga Bartay Weerarkii Liido

Sheeko:Dalka

21-kii bishaan habeen ay Jimco soo galeyso waxaa weerar lagu qaaday maqaayadda Liido Sea Food ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta, waxaana mas’uuliyadda weerarkaasi sheegtay Xarakada Al-shabaab.

Weerarkaan ayaa isugu jiray qarax gaari lagu soo xiray iyo sidoo kale rag hubeysan oo gudaha maqaayadaasi galay.

Waxaa halka weerarkaan lagu qaaday ku sugnaa shacab badan oo ay ka mid ahaayeen haween iyo caruur halkaasi casho ka cunayay.

In ka badan 20 qof ayaa ku dhintay weerarkaasi, waxaana dadka halkaasi weeraray tiradooda lagu sheegay 5 qof oo mid nolosha lagu qabtay sida laga soo xigtay wasaaradda amniga gudaha ee xukuumadda Soomaaliya.

Mid ka mid ah shaqaalihii maqaayadaasi, goobjoogna ka ahaa dhacdadii halkaasi ka dhacday ayaa Goobjoog News waxa uu ugu horeyn sharaxaad  ka siiyay sida falkaan uu u dhacay iyo qaabka ragii hubeysnaa halkaasi ku soo galeen.

“Marka hore Afar nin oo hubeysan ayaa ayaa dhanka xeebta kasoo galay maqaayadda rasaas badan ayeey soo rideen, intii rasaastaasi ay socotay ayaa qarax weyn waxa uu ka dhacay albaabka xiga dhanka laamiga, dadkii dhan jahwareer ayey galeen qof walba meeshii uu u carari karo ayuu aaday, aniga waxaan arkay dhimashada dad ka badan 20 qof, waxaa iigu darnaa oo aan arkay Laba canug iyo hooyadood oo isla dhintay, canug laga soo bixiyay hooyadiisa oo dhimatay hoosteeda”

Dadka dhintay waxay u badnaayeen dhallinyaro qaarkood jaamacado dhawaan dhameystay, kuwo macallimiin ahaa, arday dhiganeysay dugsi sare, waxaana sidoo kale dadkaasi ka mid ahaa wiil iyo Labo gabdhood oo la dhashay, kuwaasi oo halkaa casho u tagay.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku guuleystay ugu dambeyn inay soo afjaraan weerarkii Liido, inkastoo halkaasi la’isku hayay in ka badan 6 saacadood.

Wasiirka amniga gudaha C/risaaq Cumar Maxamed oo saxaafadda kula hadlay Xeebta Liido ayaa sheegay in ciidanka ay dileen Lix Illaa Sideed nin oo uu sheegay in ay weerarka soo qaadeen, gacantana ay ku hayaan shaqsigii dejiyay qorshihii lagu weeraray Liido Sea Food.

“Dadkii weerarka soo qaaday oo ahaa Lix Illaa Sideed nin waa la dilay, waxaa nasiib wanaag ah ninkii lahaa abaabulka weerarkaan horayna usoo abaabulay weeraradii Hotelka Central iyo Makka Al-mukarrama gacanta lagu hayo baaritaanna waa lagu wadaa” ayuu yiri wasiirka.

Xarumaha Caafimaadka

Dadkii ku dhaawacmay weerarkii Liido waxaa la geeyay Isbitaallada ku yaalla magaalada Muqdisho, waxaana ka mid ah isbitaallada dadka la geeyay Madiina, Umma iyo kuwo kale.

Maxamed Yuusuf oo ah agaasimaha Isbitaalka Madiina ayaa sheegay in ay seexiyeen Isbitaalka 12 qof oo dhaawac ah, sidoo kalena loo keenay 10 ruux oo Meyd ah.

Dadka dhaawaca ah waxa uu sheegay agaasimaha in 1 qof uu dhaawaciisa fududaa kaasi oo gurigiisa loo fasaxay halka inta soo hartayna la daweynayo.

Mahad Cabdullaahi Nuur waa agaasimaha Isbitaalka Umma ee magaalada Muqdisho, waxa uu u sheegay Goobjoog News in halkaasi lasoo gaarsiiyay 9 qof oo dhaawac ah oo ay ku jiraan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Afar ka mid ah dadkii dhaawaca ahaa ayuu sheegay in laga bixiyay Isbitaalka halka weli halkaasi ay ku jiraan 5 qof oo xaaladooda ay hadda kasoo hagaageyso sidii hore.

“Sagaal qof ayaa nala soo gaarsiiyay, inta badan Firiro ayey u badnaayeen dhaawac culus ma jirin, waxaa ku jiray mid ka mid ah gudoomiyayaasha degmooyinka iyo gudoomiye ku xigeenno, dhaawacyada wey fududaayeen marka loo eego wixii Liido ka dhacay, 4 ka mid ah dhaawacyadaasi lama seexin oo guryahooda ayaan u dirnay halka 5 qof kale ay jiifaan Isbitaalka” ayuu yiri Agaasime Mahad.

Madaxda Dowladda Maxay Ka Yiraahdeen Weerarkii Liido?

Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyey weerarkii Liido oo ay sheegeen in uu ahaa wax aan sal ku lahayn Soomaalinimo iyo Islaannimo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeer ku tagay halka weerarkaan uu ka dhacay ayaa sheegay in Al-shabaab xilligaan ay tabartooda sii yaraaneyso, sidaa darteedna ay shacabka ku bartilmaameedsanayaan.

“Allah u naxariistee shuhadadii ku naf waayey falkaasi diinta Islaamka ka baxsan ee argagixisadu ay u  geysteen dad shacab ah oo daqiiqado ka hor gutey waajibaadka salaadda ayay ahaayeen, kuwaas oo halkaasi ku nasanayey, kadib toddobaad dheer oo ay qaranka u adeegayeen meelna ugama jirto diinteena Islaamka ee saliimka ah in shacab la xasuuqo, waxaan Ilaahay uga baryayaa kuwa naftooda ku waayey inuu Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, kuwa dhaawacmeyna uu deg-deg u caafiyo’’ ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid oo isna tacsi ka diray dadkii ku dhintay weerarkii Liido ayaa dhanka kale ku hanjabay in Al-shabaab ay ka tirtiri doonaan guud ahaan dalka.

“Waxaa xaqiiqo ah in weeraradan qorshaysan ee argagixiso ay ka dambeeyaan kuwo arxan daran oo cadow ku ah Qaranimada iyo horumarka dalka, waxaanse u sheegaynaa inaysan caqabad ku sii ahaan doonin ummadeena, illaahay idankiisna aan ka guulaysan doono” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Ka sokow hadallada kasoo yeeray madaxda dowladda ee ku aadan cambaareynta weerarkii Liido waxaa jira siyaasiyiin iyaguna qaba aragti ah in la dayacay amniga shacabka.

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Cabdiweli Sheekh Axmed oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in dowladda looga baahan yahay xil weyn inay iska saarto sugista amniga shacabkeeda, islamarkaana ay qabaan aragti ah in amniga shacabka uu dayacan yahay.

Waxaa uu tilmaamay in dhacdooyinka ku aadan Hoteellada la weeraro ay soo noqnoqdeen sidaa darteedna looga baahan yahay dowladda Federaalka in ay keento xal kama dambeys ah.

Dhinaca kale hay’adda culimada Soomaaliyeed oo ka hadashay isla weerarkaan waxay sheegtay in diintu aanay qabin in shacab la argagax geliyo iskaba daa in la dilee.

Gudoomiyaha Hay’adaasi Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo la hadlay Goobjoog News waxa uu tilmaamay in falkii ka dhacay Liido uu aad uga fogyahay diinta Islaamka waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dareenka Milkiilayaasha Hoteelada Muqdisho

Hoteeladii weerarka lagu qaaday waxay u noqotay mid ay cashir badan ka barteen wixii ay la kulmeen, waxaase jira Hoteello kale oo iyaguna hadda muujinaya dareen gaar ah.

Qaarkood waxay dib u eegeen wixii dhacay oo ay u muuqato in wax badan ay ka fahmeen islamarkaana doonaya inay la yimaadaan dareen gaar ah oo ay uga feejignaadaan dhibaato dhacda.

Hoteellada ku yaalla magaalada Muqdisho ee la weeraray waxay gaarayaan 10, waxaana jirtay dadaallo ay dowladda shuruudo ku hordhigeysay hotellada si wax looga qabto amniga.

Shacabka Iyo Xeeladaha ay ka barteen weerarada Hoteellada

Inkastoo wax walba oo dhaca ay qoran yihiin hadana shacabka ku sugan magaalada Muqdisho markaan waxay u muuqataa in wax badan ay ka barteen xeeladaha ay naftooda ku badbaadin karaan marka la galo hotel ay ku sugan yihiin ama xarun kale.

Marka dib loo eego weerarkii Liido Sea Food waxaa la sheegay in tirada dhimashada ay aad u sii yareysay shacabkii bad qabay oo adeegsaday xeelado ay ka mid tahay yareynta shanqarta, ka warqabka halka laga jiro iyo isku xirka meelaha aan la maleysan.

Si kastaba ha ahaatee dowladda Federaalka waxaa hadda horyaalla shaqooyin badan, waxana dadka siyaasadda u ololeeya ay sheegaan in kaliya waxa hadda ka maqan ay tahay dowladda ka hor tagga bedalkii ay ka daba tagi lahayd.

Ma Jirtaa Cabsi Laga Qabo Weeraro Kale Oo Dhaca?

Weli waxaa taagan dhegaha shacabka oo waxay mar kale ka baqayaan in weeraro kale ay ka dhacaan meelaha bulshadu ay ku badan tahay.

Dareenka shacabka oo kaliya ma taagna, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar uu Jimcihii saxaafadda la hadlayay waxa uu sheegay in la arki doono Al-shabaab oo weerar ku qaada Masaajidda, Iskuullada iyo sidoo kale Suuqyada.

“Dadka Soomaaliyeed waxaan rabaa inaan u sheego nimankaan daruuftooda iyo xaaladooda waxay ku sugan tahay, madaxtooyada Jamhuuriyadda weerar, golaha baarlamaanka weerar, guriga cadaaladda oo garsoorka maxkamada degan yihiin gala halkaasi ayey ka yimaadeen, Hoteel weerar, maqaayad dad shacab ah ka qadeynayaan ama ka casheynayaan weerar, wey sii socdaan, berrina waxaa la arki doonaa meelo intaasi kasii nugul Iskuul, Suuq iyo masaajidda iyaga oo weeraraya ayaa la arki doonaa, tabartooda wey sii dhamaaneysaa dadka dhiigiisa inay daadiyaan mooyee wax kale oo u soo haray malahan, dagaal ma ahan dad rayid ah oo meel ku casheynaya barxad fadhiya in inta loo yimaado xabbad oodda looga qaado, kuwaas dhintay iyo kuwii iyaga oo ka xureynaya ku dhintay waaye kuwa jihaaday ilaahayna ajir iyo xasanaad ha ka siinayo ee ma ahan kuwii u soo la bistay in dadkaasi dhiiggiisa daadiyaan” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Ugu dambeyn dhib walba oo ka dhaca magaalada Muqdisho waxa ay saameynta ugu badan ay soo gaartaa dadka shacabka ah.

Goobjoog News