U bood dhigaalka

Casirga Aaladaha.. Wax Ka Ogow 15 Dal ee Ugu Shaqaaleysiinta Badan “Robot-ka” Bedelkii Aadanaha

Faafitaanka aaladaha ee Dunida waxa uu noqday mid aad u degdeg badan, xogoha ka soo baxaya midayga caalamiga ah ee robots-ka ayaa sheegaya in adeegsiga aaladaha ay si dhakhsiyo ah u kobcayso daafaha kala duwan ee Adduunka.

Qiyaas la sameeyay sanadkii 2015 saamiga shaqaalaha robotku waxa uu ahaa 66 robot oo barbar socda 10,000 shaqaale ah heerka qiyaasta caalamiga ah, sanad kadib qiyaastu waxey noqotay saami dhan 74/10000, taas oo la macno ah in kobac dhanka tirada shaqaalaha robotka ah uu jiro, tobonkii kun ee shaqaale aadane ahna waxaa barbar socda saami ahaan robotka shaaqeeyle ah oo gaarya 74 xabbo.

Xilligan aan maanta joogno Yurub robotka shaqeeyaa waxa uu saami ahaan gaarayaa 99 robot marka loo eego 10,000 ee shaqaale aadane ah 99/10000.

Kuuriyada Koofureer ayaa Adduunka ugu horreysa adeegsiga robot saamiga robotka shaqeeya waxa uu gaarayaa 631 marka loo eego 10,000 shaqaale, taas oo la macno ah in robotka dalkaa ka howlgalaa 6% ka yahay shaqaalaha dalkaa. Halka saamiga caalamiga ah ee robotka Adduunka ka howlgaa uu yahay 74/10000, taas oo la macno ah 0.74% waa tiro 1% ku dhow.

 

Goobjoog News