U bood dhigaalka

Jubaland-Maxaa Sababay Guuladaradii Kooxda Kaneva

Sheeko:Cayaaraha

Kulan ka mid ah kulamada heerka labaad ee kooxaha kubbadda Jubaland ayaa waxaa wada ciyaaray  Shaqaalaha iyo Kaneva oo ka mid ah kuwa loo baqayo in sanadkan ay ku guulaystan horyaalka heerka 2aad.

 
Kooxda Shaqaalaha oo wacdaro layaab leh soo bandhigay ayaa guuldaro 2-0 ah dhabarka u saartay kooxda Kaneva waxayna labada dhinac ka mid yihiin naadiyada hamiga ka leh hanashada horyaalka 2aad.
 
Ciyaar qeybteedi hore kusoo dhamaatay 2-0 ayaan waxbo iska bedelin qeybta labaad oo 90-kii daqiiqo waxay kusoo idlaatay 2-0 Oo ay guusha ku raacday xidigaha kooxda Shaqaalaha.
 
 Kaneva ayaa leh 1-dhibic oo kaliya labadii kulan ee ay ciyaartay waxayna ku jirtaa kalinta 5-aad ee kala sareynta kooxaha heerka labaad,halka Shaqaalaha iyo Kasiima oo isku dhibco yihiin,iyagoo fadhiya 3aad.
 
Dowladda Hoose iyo Heegan labadaas Kooxood midii badisa ayaa waxa ay la dhibco noqondoona kooxda Dekadaha oo leh 7 Dhibcood haysana hogaanka horyaalka heerka 2aad ee kooxaha kubbadda cagta Jubaland. 
W/Q Abdiqaadir Jaamac Gaboobe (Kismaayo)