U bood dhigaalka

Cawaaqib Xumada Dagaalka Ukrain Oo Durba Laga Dareemay Ruushka

Sheeko:Amniga

Qiimaha lacagta Ruushka ee Ruble ayaa hoos u dhacay heerkiisii ​​ugu hooseeyay tan iyo horraantii sannadkii 2016-kii, kaddib markii madaxweyne Vladimir Putin uu amar ku bixiyay in ciidamada Ruushka ay duulaan ku qaadaan dalka Ukraine, tallaabadaas oo keentay in suuqa saamiyada Moscow uu joojiyo sarifka barqanimadii khamiista.

Ruble-ku wuxuu hoos u dhacay 4.5% marka loo eego dollarka ilaa 84.0750, , wuxuuna hoos u dhacay 4.9% ilaa 95.2425 marka loo eego lacagta Euro, isagoo sidaa ku gaaray lu diiwaan Rikoorkii ugu liitay, sida ay sheegtay Reuters.

Saamiyada ayaa kusoo gabangaboobay 33% – hoos u dhacdoodii ugu weynaa abid, 200 billion Doolar ayeyna maraysaa khasaaraha jeebweynta Ruushka kaso gaartay faa’iidooyinkii lafilayay, 39 biliion oo kamid ah waxa ay ka khasaartay rag uu kamid maal qabeenka ugu taajirsan Ruushka oo ah madaxweyne putin oo kaligii khasaaray 6 billion oo dollar.

Bangiga Dhexe ee Ruushka ayaa sheegay in uu go’aansaday in uu soo farageliyo suuqa sarrifka lacagaha si uu gacan uga geysto xasilinta xaaladda maaliyadda dalka.

GOOBJOOG NEW

W/Q: Yahye Abdullaahi Soocade.