Cawad: Qaar Ka Mid Safaaradaheenna 9 Bil Mushaar Ma Qaadan!!

Arrintan uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda Cawad waxaa ay ka hor imaaneysaa faanka ra'isul wasaare Kheyre

Wasiirka arrimaha dibada ee dawladda federaalka Axmed Ciise Cawad oo shalay isniintii hortagay golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ayaa sheegay in qaar ka tirsan shaqaalaha safaarada Soomaalida ee dibadda aaney 9 bil mushaar qaadan, arrinkaas oo ka hor imaaneysa hadallada ay suuq-geeyaan ra’isul wasaare Xasan Kheyre iyo xukuumadda oo marar badan ay cod-dheer ku sheegeen in aaney ku baaqan wax mushaar ah intii ay xafiiska joogeen.

Mudane Cawad oo arrinkan ka hadlayey wuxuu yiri “Safaaradaheenna oo ay tahay inay qof kasta u adeegaan, qaarkood waxaa laga yabaa 9 bilood inaysan mushaar qaadan, annagu isaga kiin sheekeyn-meyno”.

Dhinaca kale, Cawad wuxuu aqalka sare ka codsaday inay ka taageeraan Budget-ka  ay wasaaradda ku leedahay miisaaniyadda sanadka cusub “Budget-ka Wasaaraddu waa micno darro, hadda Budget cusub baan soo jeedinay, waxaan la qeybsanay guddiga arrimaha dibadda, waxaan rajeynneynaa inaad taageertaan, oo na garab istaagtaan, kabacdina nagula xisaabtantaan”

Axmed Ciise Cawad, waxaa uu wasaaradda arrimaha dibadda ku sheegay inay tahay kaabadda isku xirta Soomaaliya iyo caalamka, albaabka dalalka iyo hey’adaha dowliga ahi kasoo galaan dalka, kalana soo xiriiraan dowladda Soomaaliya, wasaaradda hagta safaaradaha, ergooyinka iyo qunsuliyadaha iyo inay si hab sami leh caalamka ugu bandhigto danaha Soomaaliya, si Soomaaliya ay u  kasbato saxiibo cusub, oo ay sidaas ku abuuraan maalgeshi iyo horumar.

Arrimaha kale uu wasiirku sheegay inay wasaaraddu qabato waxaa ka mid ah: xaqiijinta qaranimada dalka, gacan ka geysashada si deegaannada gobolku nabad u noqon lahaa, balaarinta baaxadda siyaasadeed iyo dhaqaale ee Soomaaliya iyo u khidmeynta muwadiniinta Soomaaliyeed ee dibadda ku nool.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW