U bood dhigaalka

Cayaartii Saaxiibtinimo Ee Soomaaliya Iyo Eritrea Oo Dib Loo Dhigay

Sheeko:Cayaaraha

Cayaar saaxiibtinimo oo lagu waday in ay magaalada Muqdisho ku dhex marto xulalka da’doodu ka yartahay 20-ka sano ee Soomaaliya iyo Eritrea ayaa muddo kooban dib loo dhigay, sida lagu sheegay war saxaafadeed kasoo baxay xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Cagta.

“Cayaarta waxaa horay loogu qorsheeyay in ay ka dhacdo garoonka FIFA dib u dhiska kus ameysay ee Stadium Banaadir 16-17-ka bishan Febraayo, laakin waxaa la xaqiijiyaay in cayaartaas sida weyn loo sugaayay dib loo dhigay muddo aan badneyn”sidaasi laga soo xigtay agaasimaha warfaafinta xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya Shaafici Islaw.

“Waxaan ka war sugeynaa xiriirka kubbadda cagta Eritrea si ay noogusoo gudbiyaan taariikhda kale oo wafdigoodu magaalada muqdisho imaanayo”ayaa lagu yiri war saxaafadeedka kasoo baxay xiriirka kubbadda Cagta Soomaaliya”.

“Guddoomiyaasha xiriirada kubbadda cagta Soomaaliya iyo Eritrea waxaa ka go’an in cayaartaasi saaxiibtinimo ay ka qabsoonto magaalada Muqdisho, waxaa socda diyaar garowgii ugu dambeeyay, dhawaana waxaan shaacin doonaa xiliga kama dambeysta ah ee cayaartu dhici doonto”.

Waxaa ay ahayd 2016-kii markii xiriirka Kubbadda cagta Soomaaliya madaxdiisu ay sheegeen in ay doonayaan in mar kale ay Soomaaliya u furaan marti gelinta cayaaraha caalamiga ah, waxaana hada masuuliyiinta xiriirka Soomaaliyeed ay aaminsan yihiin in la gaaray waqtigii Soomaaliya ay cayaareheeda dalka gudihiisa ku qabsan lahayd.

“Eritrea waxaa la filayaa in ay noqoto dalka ugu horeeya ee Soomaaliya soo gaara tan iyo 1988-kii oo iminka laga joogo 31-sano, balse qorshaha xiriirka kubbadda cagta waxaa ku jira in ay  casuumaad ay u fidiyaan wadamo dariska iyo qaarada Afrika.

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Cayaartii Soomaaliya Iyo Eritrea Oo Dib Loo Dhigay

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/2129401197107815/

Somali Football Federation Media Department