U bood dhigaalka

Maamulka Ceel-buur Oo Sheegay Iney La Wareegayaan Deegaannada Ku Dhow Degmadaasi

Sheeko:Dalka, War

Guddoomiyaha degmada Ceel-buur Nuur Xasan Guutaale ayaa sheegay in la diyaarinayo qorshe ay ciidamada kula wareegayaan goobaha ka maqan gacanta Dowladda Soomaaliya .

Nuur Xasan Guutaale oo la hadlay Goobjoog News ayaa dhanka kale sheegay in ay wadaan qorshe lagu xaqiijinayo amaanka Ceel-buur iyo deegaannada hoos yimaada.

Isaga oo arrintan ka hadlayey waxaa uu yiri โ€œWaxaan rajeyneynaa in aan gacanta ku soo dhigno deegaannada naga maqan, waxaa wadnaa oo socda qorshaha lagu dardargelinayo howlaha amniga iyo sidii aan u qabsan laheyn deegaannada ka baxsan gacanteennaโ€.

Inta badan deegaannada hoos yimaada degmada Ceel-buur waxaa gacanta ku haya Xarakada Al-shabaab, waxayna sheegeen maamulka degamada ee dowladda Soomaaliya in dhowaan ay gacanta ku dhigi doonaan deegaannada ay maamulaan Al-shabaab.

Goobjoog News