U bood dhigaalka

Maamulka Ceel-buur Oo Sheegay Iney La Wareegayaan Deegaannada Ku Dhow Degmadaasi

Sheeko:Dalka, War

Guddoomiyaha degmada Ceel-buur Nuur Xasan Guutaale ayaa sheegay in la diyaarinayo qorshe ay ciidamada kula wareegayaan goobaha ka maqan gacanta Dowladda Soomaaliya .

Nuur Xasan Guutaale oo la hadlay Goobjoog News ayaa dhanka kale sheegay in ay wadaan qorshe lagu xaqiijinayo amaanka Ceel-buur iyo deegaannada hoos yimaada.

Isaga oo arrintan ka hadlayey waxaa uu yiri “Waxaan rajeyneynaa in aan gacanta ku soo dhigno deegaannada naga maqan, waxaa wadnaa oo socda qorshaha lagu dardargelinayo howlaha amniga iyo sidii aan u qabsan laheyn deegaannada ka baxsan gacanteenna”.

Inta badan deegaannada hoos yimaada degmada Ceel-buur waxaa gacanta ku haya Xarakada Al-shabaab, waxayna sheegeen maamulka degamada ee dowladda Soomaaliya in dhowaan ay gacanta ku dhigi doonaan deegaannada ay maamulaan Al-shabaab.

Goobjoog News