U bood dhigaalka

Ceyrinta Haysom Kadib, Taageero Noocee Ah Ayey Soomaaliya Ka Fileysaa UNSOM iyo Beesha Caalamka 2019-ka?

Sheeko:Dalka

Kadib markii xalay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay ka dhigtay ergeyga gaarka ee xogheyaha qaramada midoobey Nicholas Haysom “Persona non grata, codsateyna inuu dalka ka baxo, waxaa ay ku sababeysay inuu ku-xad-gudbay madaxbanaanida Soomaaliya, Haddaba, waxaa timid su’aal ah;  Haysom maku tuntay qarannimada Soomaaliya mise waxaa uu qabsaday shaqadiisa?

Sida ku qoran Mandate-ka UNSOM ay ku joogto Soomaaliya, xafiiskan waxaa uu Soomaaliya ka taageerayaa arrimaha ilaalinta sharciga, dib u habeynta laamaha amniga, dowlad wanaagga, la dagaalanka musuqa, dhismaha dowlad goboleedyada, dastuurka, doorashooyinka, haweenka , xuquuqul insaanka, arrimaha banii’aadnimada iyo qaar kale.

Qaramada midoobey marka xafiiskan laga soo tago, waxaa ay qaabab kala duwan u taageertaa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, waxaa ay ka mid tahay hey’adaha ay ka go’do talada Soomaaliya, mana aha markii ugu horeysay oo ay ka hadlaan siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha gudaha Soomaaliya.

Haddaba, Waxaa Halkan Ku soo Koobeynsaa Sida Ay Beesha Caalamka u Taageerto Soomaaliya?

Amniga: AMISOM waxaa ay dalka ku joogtaa ogolaashiyo ay siisay qaramada midoobey, UN-ka waxaa ay bixiyaan mushaarka 21,000 oo ciidamo  AIMISOM ah, waana lacag ka badan 17 Milyan oo dollar bishii, waxaa intaas dheer lacag malaayiin doolar ah oo ku baxda dayactirka gaadiidka, hubka, diyaaradaha iyo agabka ay isticmaalaan ciidamada AIMISOM.

Isla arrimaha ammaanka, waxaa ay beesha caalamka tababaraan ciidanka SNA, waxaa ay taageeraan ciidamada iyo booliiska dowlad goboleedyada, waa barnaamij loo yaqaano joint patrol program iyo ka caawinta dowladda ee counter-terrorism.

Dhaqaalaha: Misaaniyadda sanadkan 2019-ka, beesha caalamka waxaa la sugayaa inay bixiyaan $150,216,501, oo isugu jira deeqo  labo dhinacle ah oo $30 Milyan ah iyo $120  Milyan oo deeqo dhinacyo badan ah.

Banii’aadnimada: Howlaha banii’aadnimada ee ay beesha caalamka u taageeraan hey’adaha caawiya dadka dhibaateysan waa arrin kale oo muhiim, qiyaas ahaan 5 Bilyan ayaa ku baxdo taageerada arrimaha banii’aadnimada, taas oo aan jirin 5 sano ka hor.

Goobjoog News